Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland ayaa waxaa la filayaa inay ka dhacdo doorasho 2019,waxaana halkaasi gaaraya maalmihii lasoo dhaafay musharaxiin badan oo u taagan xilka Madaxweynaha Maamulka Puntland.
Wasiirka Amniga Puntland Axmed Cabdullaahi Yuusuf oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay soo dhaweynayan Musharaxiinta kala duwan ee soo gaaraya puntland ,isla markaana amnigooda uu maamulka puntland ay mas’uul ka yahay.
Wasiir dowlad ayaa tilmaamay in marnaba Puntland ogolaan doonin hub culus iyo Gaadiidka dagaalka oo fowdo iyo rabsahda abuuri kara in magalada lala soo galo,isaga oo uga digay musharixiinta.
Waxaa uu sidoo kale ka digay in ciidamada Puntland ay kasoo baxaan Furimaha dagaalka, islamarkaana ay soo galaan Magaalada Garowe.