Digniin loo diray Shacabka Magalada Garoowe

Reading Time: < 1 minute

Saacadihii la soo dhaafay waxaa Roob ddaad watay uu ka da’ayay deegaano ka tirsan Gobolka Nugaal Puntland,waxaana Shacbaka looga digay inay degaan meelaha biya mareenka ah.

Duqa degmada Garoowe ayaa sheegay in Roobkii ka degay Magalada Garoowe in waxyeelo uu u geystay dad iyo Xoolo sida kale uu biibiyay Hanti,isla markaana meelo badan uu biyo dhigay.

Waxa uu shacabka Magaaalda Garoowe ugu baaqay inay ka taxadaraan nadaafada,meelaha qaarna aysan qashin ku shubin si roobka uusan cudur uga dhalan,waxaana uu uga digay dadka inay degaan meelaha biya mareenka ah.