Digniin laga soo saaray Amniga degmooyinka Gobolka Gedo

Reading Time: < 1 minute

Kadib kulan ay Magalada Doolow Soomaaliya  ee Gobolka Gedo ku yeesheen Saraakiisha Ciidamada Nabad-sugida Jubbaland ee Gobolkaasi Gedo ayaa waxaa ay kaga hadleen amniga degmooyinka,Balad-xaawo, Luuq iyo doolow Soomaaliya.

Kulanka inta uu socday ayaa waxaa aad looga hadlay sugida dhinaca amniga iyo in laga hortago weerarada iyo dilalka mararka qaar Al-Shabaab ay ka fuliyaan deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo.

Taliyaha Ciidamada Nabadsigida Jubbaland ee Gobolka Gedo Cali Xasan oo kulanka kadib Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in leysla gartay in laga hortago,isla markaana gacan bir ah lagu qabto cidkasta oo ka Shaqeyneysa falal lidi ku ah dhinaca Amniga.

Shacabka ku nool deegaannada Gobolka Gedo ayuu ugu  baaqay inay Ciidamada kala Shaqeeyaan sugida Amniga,isla markaana ay u soo gudbiyaan xogaha ku aadan dhinaca Amniga iyo wixii ay ka shakiyaan.