Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo la hadashay MOL ayaa sheegaya in magaalada Muqdisho lasoo geliyay lacago dollar been abuur ah, taasoo la rabo in loo adeegsado ololaha doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.
Doorashada madaxweynaha oo ku asteysan inay dhacayso 15-ka May ayaa murashaxiintanta waxay olole xooggan ugu jiraan sidii ay u heli lahaayeen cododka xildhibaanada oo lagu kala iibsado qiime lacageed oo aad u sarreeya.
Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo qaarkood la shaqeeya musharaxiinta madaxweyne ayaa MOL u sheegay in xogta lacagta dollar-ka been abuurka laga helayo ilo amni oo u sheegay in loo adeegsan rabo xildhibaanada laaluushka qaadanaya.
MOL oo arrintaan dabagal ku sameysay ayaa ogaatay mid ka mid ah murashaxiinta madaxweynaha uu u adeegsan doono xildhibaanada codkooda iibsanaaya inuu ku khaarijiyo si codka ugu helo.
Waxaa suuragal ah in lacagta been abuurka ah la adeegsado saacadaha danbe ee doorashada, gaar ahaan habeenka ka horeeya maalinka doorashada, xiligaasi oo ah waqti saxmad badan oo isbarbar yaac badan uu jiro, ayna adag tahay in lacagta la xaqiijiyo sax ahaanshaheeda.
Guddiga doorashada madaxweynaha ee baarlamaanka iyo kan heer qaran, ma soo saarin xeer iyo sharci xaaraantinameynaayo lacagaha laaluushka ee xildhibaanada qaadanayaan, taasi oo mar kasta dhacda islamarkaana caadi noqotay.