Digniin: Dilal qorsheeysan oo Muqdisho ka bilaawday iyo Cabsi xoogan oo jira (Aqriso)

Reading Time: < 1 minute

Dhowrkii maalin ee lasoo dhaafay waxaa Magaalada Muqdisho ka dhacay dilal qorsheeysan kuwaasi oo loo geeysanaayay dad u shaqeeya Dowlada,Odayaal dhaqameed,iyo saraakiil ciidan waxaana dilalkaasi fulinaayay dhalinyarada la tuhmaayo in ay ka tirsan yihiin Kooxda Al-shabaab.

Farriimo digniin ah oo la isku diray ayaa muujineeyso cabsi iyo welwelka amni ee ka taagan Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka,waxaana la isku boorinayaa in aad loo taxadaro.

Maalin ka hor waxaa la toogtay shaqsi dil u geeystay Sargaal ka tirsanaa Ciidanka xoogga dalka ka dib markii ay ceeyrsadeen dadka shacabka dhagar-qabahii falkaasi geeystay.

Al-shabaab ayaa la tuhmayaa in ay kooxda dilalka gaadmada ah u qaabilsan ay kusoo badisay Magaalada Muqdisho,sidoo kale waxaa jira ciidan NISA ah kuwaasi oo ka howlgala xaafada degmooyinka gobolka Banaadir

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!