Digniin Culus: Tiyaaterka Muqdisho oo Mar kale la Qarxin Rabo. Sabab?

Reading Time: 2 minutes

Warar laga helayo laamaha amniga ayaa sheegaya in ay rabaan kooxda Shabab in aay  ka fuliyaan Qaraxyo golaha Murtida iyo Madadaaalada oo lagu qaban rabo xaflad.

Sidoo kale MOL markii ay dabagal ku sameysa xafladda lagu qaban rabo waxa ay tahay ayaa waxaa u soo baxday in Golaha Murtida lagu qaban rabo xaflad ay soo qaban qaabisay madaxtooyada maalmaha innagu soo fool leh, taas oo lagu weyneynayo maalinta 8 Febraayo oo ah maalintii Xildhibaanadda hadda jooga ee barlamanka Somaliya ay bohosha ka tuureen qarankii ay u dhaarteen oo dadkii hogaamintiisa u tartamayey kii ugu liitay oo ahaa Maxamed Cabdullahi Farmajo ay u soo xuleen.

Waa laga aqbali kari lahaa xildhibaanada joogaa haddii ay khaladkooda dib ka sixi lahaayeen inay si daacad ah ugu kadsoomeen beenta MW Farmajo iyo khudbaddii loo soo diyaariyey oo la waafajiyey baahidii markaas jirtay. Laakiin waxaa cad inay qeyb ka ahaayeen hagardaamada ummadda loo geystay, waayo waxay ka jeesteen  inay saxaan ama inay haba yaraatee dhageystaan oohinta shacbiga, waxayna taariikhdu ku xusi doontaa inay ahaayeen xilhibaannadii ugu xumaa ee dalka soo mara.

Alshabaab kama naxaan inay shacab qarxiyaan oo waxaan wada xusuusannaa Zoope iyo ex-control oo ay caruur iyo xoogsato ku kaayeen. Sidoo kale dowladdaan NN ayaan kala jecleyn shacab dhinta iyo mid dhaawacma oo cawaba boqollaal ayaa Xamar daafaheeda gaajo ugu dhimanaya iyadoo uu MW dalka rubuc milyan dollar ($250,000) safar aan wax dan ahi dalka ku jirin u sii qaatay.

Haddba waxaan shacbiga kula talineynaa inaan xogtaan la fududeysan oo golaha Murtida  laga dheeraado maalmaha soo socda ee ku beegan toddobaadka seddexaad iyo kan xiga ee  bishaan.

Sidoo kale waxaan MW Farmajo ku wargelinwynaa in heshiisyada qarsoon ee uu Alshabab la galay uusan ku kadsoomin. Al shabaab ma galaan ballan maalintii ay tooda ka arkaan waa sameynayaan qarxinayada.

Shacabka iyo ciddii awooddaa inay goobahaas ka fogaato maalmahan, gaar ahaan maalinta xafladda socoto ha ka fogaato tan oo aan siyaasad ahayn balse masulliyad ku ah MOL inay shacabka la wadaagto dhibaatadii ay ogaato inay shacbiga ku dhici karto ama soo fool leh.

Yaa Qarxinaya?:Xusuuso 4tii April 2012 waxay ahayd galab Arbaca ah oo uu jawiga macaan yahay dad badan ayaa u soo daawasho tageen agagaarka Tiyaarka iyo kuwa ka lana waxay qeyb galayeen xafalad ka socotay Tiyaarta. Laakiin warkaan ayaa soo baxay.

“Qaraxa ayaa sida la sheegay waxa uu ka dhacay gudaha xarunta Titaatarka xilli ay socotay Khudbad uu jeedinayay Ra’iisulwasaare C/wali Maxamed Cali oo ka qeybgalayay Munaasabad kasocotay Tiyaatarka. Aadan Xaaji Yabrow Wiish oo ah gudoomiyaha Gudiga Olompikada Soomaaliyeed iyo Xoghayaha xiriirka Kubada Cagta Siciid Mungaabe ayaa qaraxaas ku dhintay dhaawacyo ka soo gaaray dartood.”

Haddaba Digniintaan dowladda way ka warqabtaa laakiin sidii digniino hore oo ay qarisay ayaa jiray kuwaas oo  lagu dhammaaday sidii tii zoope iyo ex kontrol Afgooye. Waxaana xogta laga helayaa madaxtooyada ay sheegeysaa in la amray inaan digniinta la shaacinin waayo waxay dowladda NN ka  doorbidayaan faanka ah “Markii ugu horreysa 30 sano keddib oo Tiyaaterka  xaflad lagu qabtay Maxamed Siyaad kadib” , Farmajana waxaa uu rabaa inuu istaago meeshii uu istaagi Jiray Maxamed Siyaad.

Sidaas Darteed MW adigoo og khaterta ay ummadda gelin karto in 3000 oo qof aad Tiyaaterka ku xareysid waa mas’uuliyad darro ee  jooji  Isna Casil si dalka loo ceymiyo.