Muqdisho online waxay xog muhiim ah ku heshay in MW Maxamed Cabdullahi Farmajo iyo Fahad Yasiin oo isticmaalaya hay’adda NISA ayaa waxay ku daneystaan Barakacayaasha oo ay mar waliba u isticmaalaan inay yihiin taageerayaal MW Farmajo. Farmajo markii xilka R/wasaarenimo laga qaaday Waxaa la abaabulay barakacayaashii degganaa agagaarka dugsiga sare 15ka May ee magaalada Muqdisho. Waxaa maalintaas loo qeybinayey barakacayaasha lacag dhan $5 qofkiiba, inkastoo sidaas lagu soo qaaday lacag badan haddana lama wada siin lacagtii yareyd ee lagula heshiisyey ee markii uu Bannaanbaxooda dhamaaday goobtii bannaanbaxa ayaa looga wada dhuuntay.
Waxaan xuusuustaa maalintaas dad u badan hooyin iyo caruur ay diifi ka muuqato oo u luganeyey waddooyinka Muqdisho iyagoo u sii luudayey meelihii ay dhaxanta ka geli jireen.
Bannaanbaxii shalayna kama duwaneyn oo waxa uu ahaa mid sidii oo kale ah oo dadka Khasab looga soo bixiyey xeryaha barakacayaasha, waxaana loo sheegay in lasiin doon $5 dollaer haddii ay diidaanna waxaa loo sheegay inaysan xerada ku soo noqon doonin.
Waxaa kaloo jira in hadda lagu wado diiwaangelin magac u yaal ah oo qaarkood xataa loo diiday in magacyadooda rasmiga ah loo qoro kuwaas oo u badan hal degaan (Shabeellada Hoose, Bay iyo Bakool) oo magacyada laga garan karo inay halkaas oo kaliya ka soo jeedaan, kadibna la ogaanayo inay yihiin barakacayaasha.
Diinwaangelintaan waxaa loogu talagalay in loo isticmaalo codeynta qorsheysan ee doorashada soo socota ee 20/21 haddii ay Khasab ku noqoto MW Farmajo inuu qabto doorasho.
Demooyinka Xamar ayaa loo qeybin doonaa dadkan barakacayaasha ah waxaana la soo saari doonaa liis ay ku qoran yihiin oo la oran doona waxay ku codeynayaa doorashada qof iyo cod ee hogaamineyso Marwada la haysata Dowladda NN ee Xaliima Yarey oo kaashaneysa Cali Yare Cali oo xariif ku ah sida loo soo khasbo barakacayaasha, iyadoo ay jiraan kiisan oo ay barakacayaasha la xiriira oo ay MOL daabici doonta marka ay caddeymahooda soo dhamaadaan.
Haddaba maxaa arrintaan isticmaalka barakacayaasha ka dhalan kara?
- In barakacayaasha dhibaato loo geysto waayo haddaba waxaa Xamar ka bilowday colaad iyo naceyb loo qaaday, kaasoo ah inay dowladdau u isticmaasho inay ku duudsido xaqa dadka Banaadir deggan oo la rabo in laga beensheego. Inay u codeeyeen cid gaar ah.
- NISA oo wadda diiwaangelinta barakacayaasha iyo dhallinyaro khaas ah oo la rabo inay u codeeyaan MW Farmajo xisbigiisa NN, sidaasna uu mar kale ku soo noqdo Farmajo si uu dalka inta dhiman u dumiyo kadibna loo kala gooyo waddamada deriska ah.
- Waxay dowladda NN qortay koox IT ah oo loogu talagalay inay hubiyaan in hannaanka qalabka doorashada uu noqdo mid ay iyagu maamulaan oo la gacgacmeysan karo oo uu furan MW Farmajo iyo kooxdiisa codadkana laga wareejin karo meeshii la doono.
Waxaana dhowaan maqli doontaan xafiis weyn oo arrintaas loo qalabeynayo madaxdna uu ka noqon doono shakhsi NISA ah oo IT, waliba jabsashada bogga internetka iyo xog keydiyayaasha (Database).
Waa Maxay dhibaatada ka soo gaari karta Barakacayaasha?
Waxaa magaalada hadda ka bilowday guux ah in ay Khasab tahay in barakacayaasha Muqdisho laga eryo maadaama dhulkoodii uu hadda yahay mid ay tagi karaan. Dad badan ayaa waxaa u muuqda inay barakacayaasha ay la kulmi doonaan dhibaatooyin waaweyn oo keeni kara in weerraro loo geysto.
Haddaba waxaa isweydiin mudan:
- Aaway Xildhibaanada Digil iyo Mirifle oo ay dadkaan u badan yihiin miyeysan ka naxayen ogeynna inay magacooda ku yihiin xildhibaanno?
- Aaway urrurada Bulshada ee arrimahaan si hoose ula socdaa miyeysan mas’uliyad qaran ka saarneyn in dadkaan masaakiinta ah aan la dhibaateyn oo dabka la saaranin?
- Dowladda NN miyaanu ku jirin dad damiir leh oo ka joojiya inay dadkaan ka horkeento dadkii quudinayey muddo 20 sano ku dhowaad, maxaysa xaabo iyo jaran jaro ay danaheeda ku gaarto uga dhiganeysaa oo masaakiin ah oo ay duruuftu badday xaaladdaan?
- Aaway Xisbiyada Mucaaridka ee raba inay na xukumaan maxay arrintaan uga aamusan yihiin oo uga hadli la’ayihiin?
- Aawaya hay’adaha xuquuqda insaanka ee u dooda barakacayaasha iyo dadka si wadar ah loo dhibaateeyo ICRC, Qaxootiga Caalamiga iwm.
MOL iyadoo aad uga naxsan cawaaqib xumada diineed iyo midda dadeed ee ka dhalan karta isticmaalka dowladda NN ee barakacayaasha waxay indhaha saxaafadda ku soo jeedineysaa inay ka hadlaan arrintaan oo ay ifiyaan. Haddii kale waxaan cabsi ka qabnaa inay beritto keeni karto dhibaato weyn oo dadkaas loo geysto, kadib marka ay dadka Xamar deggan u arkaan in xaqooda lagu duudsin rabo, waayo dowladda NN ayaa rabta inay ka horkeento.