Dibadbax xoogan oo ka dhacay caasimadda Aljeeriya ee Aljeris

Reading Time: < 1 minute

Kumannaan qof ayaa waxa ay isugu soo baxeen waddooyinka caasimadda Aljeeriya ee Aljeris, si ay uga soo uga soo horjeestaan doorashada madaxtinimada ee Khamiistii la qabtay.

Si kooban ayey ula wareegeen goob ay dadku codkooda ka dhiibanayeen. Iskuday uu boolisku ku doonayay inuu dadkaas farada badan ku kala kaxeeyana waa uu guuldarraystay.

Waxaa la weerraray laba goobood oo kale oo codka lagu dhiibanayay oo ku yaal gobolka Kabylie ee dhaca bariga caasimadda.

Codbixinta ayaa timid kaddib markii xilka uu banneeyay Madaxweyne Abdelaziz Bouteflika, kaas oo lagu qasbay inuu iscasilo bishii Abriil ee sanadkan.

Madaxweyne Bouteflika waxa uu xilka hayay 20 sanadood hasayeeshee waxaa xilka uu banneeyay kaddib dibadbaxyo dowladda loogaga soo horjeedo oo ka dhacay guud ahaan dalkaasi. Dibadbaxayaasha oo bannaanbaxyada sii wada ayaa waxa ay dalbanayeen in gebi ahaanba laga takhaluso hannaanka siyaasadda ee Aljeeriya, waxa ayna qaadaceen doorashada.

Dhammaan shanta musharax ee doorashadan u taagan ayaa waxaa si dhaw loola xiriiriyay madaxweynihii hore Bouteflika.