Reading Time: 2 minutes

Munaasabad dib u dayactirka isbitaalka Baladweyne ayaa Maanta lagu qabatay gudaha isbitaalka weyn ee Magaalada Baladweyne waxaana ka qeeyb galay Maamulka Gobolka Hiiraan xubno ka socday Wasaarada Caafimaadka Hirshabeelle, Gudiga Gurmadka Fatahaada Wabiga shabeelle, iyo dhaqaatiirta isbitaalka

Xaaji Cismaan dhagaxoow Gudoomiyaha Gudiga Gurmadka Ganacsatada Baladweyne ayaa faah FAAHIN ka bixiyay dayac tirka lagu sameeyay isbitaalka Baladweyne, waxaa uu sheegay in qorba joog soomaaliyed ay u istaageen dayactirka isbitaalka Guud ee Baladweyne.
Axmed Maxamed Khaliif isku duwaha wasaarada Caafimaad Gobolka Hiiraan ayaa ka mahad celiyay dayactirka lagu sameyay isbitaalka Magaalada Baladweyne, waxaana uu sheegay in isbitaalka mudo badan uunan helin wax dayactir ah