Dhuusamareeb oo laliic-liicaysa Ciidamadii ugu badnaa abid iyo Shacabka Galmudug oo cabsi soo wajahday

Reading Time: < 1 minute

Waxaa Dowlada Federaalka Soomaalia Ciidamadii ugu badnaa Abid ku Daadisay Wadooyinka Magaalada Dhuusamareeb Ee Caasimada Dowlad Goboleedka Galmudug Ciidamadaa ayaa waxa lasheegay in ay sugi doonaan Amaanka Magaalada Dhuusamareeb marka laqabanayo Doorashada Dowlad GoboleedkaGalmudug .

Ciidamadaa lageeyay Dhuusamareeb ayaa waxaa lagu soo waramayaa in howlgalo xoogan kabilaabeen Magaalada Iyo deegaanada ku xeeran waxaa sidoo kale jira walaac laga muujinayo Ciidamadaa Deegaanada Galmudug lagu daadiyay Shacabka ayaa waxa ay sheegeen in Ciiidamada qudhooda isga baqayaan.

Ciidamadaa ayaa waxa ay yihiin kuwo larabo in loo adeegsado afduubka Doorashada Galmudug oo Dowladu Sheegtay in ay dhecayso horaanta Bisha soo socota waxaana lagayaabaa in ciidamadaa loo adeegsado wax kabaxsan waxana halkaa loo geeyay oo ah in ay Amaanka sugayaan.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!