Dhuusamareeb iyo Guriceel oo Maanta laga Ciidaayo (Aqriso)

Reading Time: < 1 minute

Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud oo ah xarunta maamulka Galmnudug ayaa maanta oo Arbaco ah laga ciidayaa maalintii koowaad ee Ciidul Fadriga, iyadoo ay noqotay magalaalada kaliya ee dalka Soomaaliya ee maalin gaara ciideysa.

Maamulka Ahlu suna ee la midoobay Galmudug ayaa muddo dheer ku dhaqmayey faham diineed oo u gaara, kaasoo weli sii socda, waxayna Ciida sanadkan ku khilaafeen magaalooyinka kale ee Gobolkaasi sida Cadaado.

Saaka ayaa laga tukaday ciidul Fidriga magaalada Dhuusamareeb, waxaana xalay maamulka magaalada ku dhawaaqay in maanta oo Arbaco ah ay tahay maalinta koowaad ee Ciida. Masaajidada ku yaalla magaalada Dhuusamareeb ayaa saaka laga maqlayay Takbiirta, iyadoo lagu dukaday salaada Ciida.