DHUUSA-MAREEB: IIKORDHIYA IYO KUU-KORDHIN-MEYNO

Reading Time: 3 minutes

AFEEF
Dhusa-Mareeb iyo aqriska siyaasada. Asal ahaan aqriska siyaasadu kama dhigna xaqiiqadii dhabta aheed ee waa fahamka nuxurka waxa socda waana lagu kala aragti-duwanaan karaa. Sidaas darteed qoraalkani ma dhaafsana aragtida qoraaga.

HORDHAC
Qoraalkani waa mid ku kooban arimaha doorashada ee 2020-2021-ka iyo Kulan-Madaxeedka Dhusa-Mareeb…Dhamaan arimaha kale ee ku saabsan siyaasada Soomaaliya dib ayaan u dhigeynaa maanta.

ARAGTIYO IS-DIIDAN

Dhusa-Mareeb saakayto waa magaalo uureysan waxayna riman-tahay labadaan aragtiyood:

1. In lagu heshiiyo doorasho hal-qof iyo hal-cod ah, lehna mudo kororsi qiyaastii 2 sano ah.

2. In lagu heshiiyo doorasho dadban balse la qurxiyay, doorashadu-na ku dhacdo waqtigii loogu tala-galay.

Dooda Hore iyo u-doodaheeda:

Doodada Hal-Qof iyo Hal-Cod oo ka dhigan MUDO KORORSI waxaa hogaminaya Madaxweyne Farmajo oo ku doodaaya in lagu dhaqmo Xeerkii doorashada ee uu saxiixay 20-kii Febrayo 2020. Xeerkaas oo aay Gudoomiyaha Gudiga Madaxa Banaan ee Doorashoyinka Qaranka Marwo Xaliimo Yareey u sheegtay Golaha Shacabka (27/6/2020) in aaysan hada suurta-gal ahayn in lagu dhaqmo. Sidaas darteed Madaxweyne Farmajo wuxuu ku dhegan-yahay Xeer Doorasho oo Gudiga Madaxa Banaan ee Qaranku cadeeyay in aan lagu dhaqmi karin hada.

Hase-yeeshee dhamaan inta wax-garata waxay ogyihiin in ujeedada Madaxweynu-hu tahay oo kaliya “Mudo Kororsi”, iyo in uu ku hoos dhuunto waxaan dalka ka qabanayaa Doorasho Hal-Qof-Iyo-Hal-Cod ah.

Dooda Labaad iyo U-Doode-Yaasheeda:

Dooda ku dhisan in waa la qabtaa “Doorasho Heshiis” lagu yahay waxaa hogaaminaya 5ta Madaxweyne Maamul-Goboleed, doodoodana waxay ku dhisayaan arimahaan:
1. In aanu shaqayn karin Xeerkii Doorashada ee uu saxiixay Madaxweyne Farmajo arinkaasna waxaa cadayn buuxda ugu filan hadal jeedintii Marwo Xalimo-Yareey oo ah Gudoomiyaha Gudiga Doorashoyinka Qaranka, waxayna cadeeysay 27/6/2020 in aanu shaqayn karin xeerkaasi muda xileedka kooban ee u harsan si loo soo doorto Xildhibaano cusub ka 27/12/2020-ka.
2. In aaysan saamaxayn xaalada guud ee dalku in xiligaan Soomaaliya laga qabto doorasho hal-qof-iyo-hal-cod ah, cadeeyn buuxdana waxaa kuugu filan weeraradii ka dhacday Muqdishu gaar ahaan kuwii lagu qaaday:
– Wasiirka K/geenka Wasaarada Amniga, -Taliyaha Xooga Dalka – iyo gaadiid taabacsan Taliyaha Ciidanka Police-ka Soomaaliyeed. Sidaas darteed kolba hadii aaysan is ilaalin karin Hay’adihii Amniga Qaranku suurta-gal matahay in aay shacabka wax dooranaya ilaaliyaan?

XEELADAHA MADAXWEYNAHA

Dadka u dhuun-daloola siyaasada Soomaaliya waxay ogyihiin in Madaxweyne Farmajo yahay ama aamin-san-yahay aragtida ku dhisan “In siyaasada lagu kala adkaado”, balse uu hada soo jabay in uu hada doonaayo in uu wax ku maareeyo “LAALUUSH IYO QEYBI OO XUKUN”.

Madaxweyne Farmajo si uu ugaaro danihiisa siyaasadeed oo ku dhamaada in uu Kursiga ku sii fadhiyo inta uu nool-yahay ayaa hada soo hormarsaday codsi “Mudo Kororsi”, asaga oo u maraaya waxaan qabanayaa Doorasho hal-qof-iyo-hal-cod.

GORGORTAN AMA LAALUUSH SIYAASADEED

Xanta iyo xam-xamtu waxay leeyihiin sidaan:
1. In Madaxweyne Farmajo galo wax u eg-beec (siyaasadeed) kuraasta sare ee dalkana u bixiyo qaab u eg: war hebelow kursigaas qaado, ilana doon in la ii ogolaado “Mudo Kororsi”, in beecaasi run-yahay iyo in kale Alle ayaa og, waase xam-xam suuqa-taala.
2. In Madaxweyne Farmajo Madaxda qaarkeed ka fuqo, kulana heshiiyo aan ku sii daayo igala shaqay in aan helo “Mudo Kororsi”, run iyo been Alle ayaa og waase xam-xam hoose oo suuqa-taala.

3. In Madaxweyne Farmajo u balan-qaado Madaxda qaarkood Mashaariic Dhaqaale oo horay isbaaro loogu dhigtay, arinkaas bedelkiisana Madaxweyne Farmajo ku bedesho in lala doono “Mudo-Kororsi”, sheekadani in aay run-tahay iyo in kale Alle ayaa og waase xam-xam suuqa taala.

4. In Madaxweyne Farmajo laftigiisu mid-ka kida Madaxda Shirka kala shaqeeyo “Mudo-Kororsi”, si masuulkasi Madaxweynaha ugala shaqeeyo “Mudo-Kororsi”, sheekadani in aay run-tahay iyo in kale Alle ayaa og balse waa xam-xam siyaasadeed oo suuqa-taala.
5. Inta dhiman Madaxda shirka u jooga Dhusa-Mareeb waxay ku jiraan jeebka Madaxweynaha ama waa FREE in la helo taageeradoodu ku aadan “Mudo-Kororsiga” Madaxweynu-hu gulufka ugu jira, run iyo been Alle ayaa og balse waa xam-xamta suuqa-taala.

MAXAA LA-FILAN KARAA

Dadka u dhuun-daloola siyaasada Soomaaliya Soomaaliya waxay siyaasada iyo farsamada Madaxweyna-ha u arkaan “DHAAN DABA-GAALE” iyo aanu Madaxweyne Farmajo wali fahmin “Hide Sidaha Siyaasada Soomaaliya”.

Madaxweyne Farmajo wali ma oga in nin uu leeyahay kursi-baan ku siin in kiisa sugaayo.

Madaxweyne Farmajo wali ma oga in ninka uu leeyahay waan ku sii dayn in uu yahay ninka dhulka ku jiiday.

Madaxweyne Farmajo wali ma faham-sana in ninka uu leeyahay waxaan kuu furi mashaariic in uu kaga horeeyo xiriirka dibada.

Madaxweyne Farmajo wali ma oga in ninka uu leeyahay waxaan kuu kordhinayaa mudada ee igala shaqeey “Mudo-Kororsi” in uu xilkiiba iska wareejiyay oo rag cusub jaakado u tosheen.

Madaxweyne Farmajo wali ma faham-sana in ninkii aad seef-af-leh gacanta u geliso in uu qoorta kaaga jari karo.

GUN-DHIGA QORAALKANI WAA: Mudane Madaxweyne haba-yaraatee haku riyoon “Mudo-Kororsi”, ee dadkaaga dhinac ka raac aqbalna in si wada-jira (Heer Federal iyo Heer Dowlad Goboleedba) in lagaala shaqeeyo sidii aay u qabsoomi lahayd “Doorasho la isla ogol yahay” oo laga dhaxlo xasilooni siyaasadeed sidii uu horay ugu sheegay Mudane Raisal Wasare Xasan Cali Khayre.

Gebagebadii, Madaxweyne Farmajo waxaa hortaala su’aashaan:

Mudane Madaxweyne si Mudo-Kororsi lagaagala shaqeeyo 4tii sano ee aad xafiiska fadhiday maxaad ka qabatay:
1. Arimaha siyaasada?
2. Arimaha amniga?
3. Arimaha shaqo u abuurida dhalinyarada?
4. Arimaha dib-u-heshiisiinta?
5. Arimaha dhismaha Ciidan Qaran?
6. Arimaha Dib-u-eegista Dastuurka?
7. Arimaha Federal-leynta Dalka?
8. Arimaha Doorashoyinka dalka?

SU’AASHA SANADKA?Mudane Madaxweyne sidee kuula noqatay in aad 2 sano ku qaban karto; shaqo aad 4 sano ku qabanweysay?

W/Q  Hassan shiekh Ali