Dhulgariir ka dhacay degaano ka tirsan Puntland iyo Somaliland

Reading Time: < 1 minute

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya degaano ka tirsan Soomaaliya iyo Somaliland deegaankaas ayaa xalay fiidkii laga dareemay dhulgariir ah nooc aah horay uga dhicin deeganadaas.

Dhul-gariirka ayaa ku dhuftay, masaafo 171km dhanka Waqooyi bari ka xigta degmada Bareeda oo ka tirsan gobolka bari kuna taalla gacanka GARDAFU’ , waxaana uu bilowgii hore ruxay 10km oo gunta hoose ah, isagoo 13.3039 degree oo ballac ah u fiday dhanka waqooyi, halka dhanka barina uu gaaray 50.449 degree dherar ah.

Khubarrada dhinaca Dhul Gariirka ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in dhul Gariirkaas cabbirkiisu ahaa mid lagu sheegay 5.0 magnitude/xoowli. Meelaha Dhul Gariirkan xalay laga dareemay waxaa ka mid ah Magaalada Bareeda ee Gobolka Bari oo ku taalla Xeebta Gobolka Bari ee Puntland.

Dhul Gariirkan xalay ku dhuftay Gobolka Bari ayaa ka dhacay meel Magaalada Bareeda u jirta 171 KM. Soomaaliya kuma badna dhul Gariirrada ilaa haddana faah faahin rasmi ah lagama helin Dhul Gariirka xalay fiidkii ka dhacay Xeebaha Magaalada Bareeda ee Gobolka Bari ee Puntland Soomaaliya.