Dhul Boobka Beled-Xaawo Kaalin Nuuce Ah Ayay Ku Leyihin Raiisul Wasaare Kheyre Iyo Shirkada Soma Oil & Gas

Reading Time: < 1 minute

Xili dalku uu ku jiro xaalad siyaasadeed oo ka dhex jirta Xildhibanada iyo Gudonkoda aya waxa xiisadasi abuuray Xukumaada iyado dhacdooyinkasi ay yihin kuwa sababaya in dalku uu galo ka war qabid la’aan baahsan.

Dowlada kenya oo ad moodo in lo carbiyay boobka hantida Somaliyeed oo ka faideysaneysa Khilaafka Xildhibanada aya bilaawday in ay gudaha uso gasho Soomaaliya iyado dhisme ka bilowda Magaalada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo.

Dhismahan ay wado Dowlada Kenya aya waxa ka garab siinaya Xukumada Kheyre iyado Mooshinkan iyo Mashquulka Golaha Shacabka ay sababeyso in dolwada Kenya ay durba Si dhaaqsiyo ah u bilowdo dhismaha Darbiga.

Hadan dib u xusuusino saxibada ku Xiran Muqdisho.online Wasiirki Hore ee Arimaha Gudaha Xukumada Soomaaliya waxa xilka laga qaaday ka dib marki uu tagay Balad Xaawo oo u guur galay Xalada iyo darbiga kenya dhiseeso iyaso kulamo la qaatay Bulshada qeybaheda kala duwan.

Mudane Juxa aya xiligaasi dhaliilay isago taageray Goanka Shacabka waxa uune shegay in kenya ka difacayan Dhul boobkasi ay wado.

Wasiirkii Hore ee Arimaha Gudaha Cabdi Farax Juxa marku Muqdisho dib ugu so laabatay xilkii aya laga qaaday,hatana Xukumada Waxay bilawday Moshin madama Golihi arintaasi ka fal celin laha buuq siyaasadeysan lagu furay kenya ayana dhankeda Dardar galineysa Dhismaha Darbigasi si buqasi ugu faaideysato.

Maamulka sare ee kooxda Qiyano Qaran aya heshiis ku ah boobka iyo ka garab siinta dowlado shisheye in ay boban kheyradka dalka iyoado arinta Beled Xaawo ka tagan ay tahay mid loga mashquulay Mooshino iyo arinmaha Shaqsiyaded waxa kalo jirta arinka Som-oil and gaas ee kheyre uu wato iyo kenya ay dhulkaasi shidal oris ka bilabayan iyado halki cabirku aha la siiyay Dowlada kenya si dadka somaaliyed loga indho tiro shidaalkasi.