Dhowr Madaxweyne M/Goboleed oo la dajiyay Qorshahii Lagu Dili Lahaa VIDEO)

Reading Time: < 1 minute

DR. Cabdirisaaq Fartaag oo horay u soo noqday madaxa maaliyadda xafiiska RW 2009-2011 ayaa soo bandhigay xog xasaasi ah.

Aqoonyahanka oo hadda madax ka ah hay’ad cilmi baadhis oo uu isagu leeyahay ayaa sheegaya in dowladda dhexe ay waddo qorshe ay ku khaarajinayso madaxwenayaasha Kala ah Xaaf iyo Shariif halka Madoobe iyo Gaas xabsiga loo taxaabayo iyadoo lagu andacoonayo arrimo qaran dumis ah, waxaa kaloo uu tilmaamay in Waare isna xilka laga xayuubinayo.

Qorshahaan ayuu sheegay in qorshahani uu ka soconayo dalka iyo dibaddaba.

Ilo ka tirsan saraakiisha reer galbeedka ee fadhigoodu yahay Xalane, Muqdisho ayaa ii dusiyay xog sidaas ah 28 maalin ka hor, haseyeeshee xogta aad xasaasi u ah aan ka yara gaabsaday inaan baahiyo.

Su’aasha la isweydiin karose waxaa weeye, maxaa xigi kara haddii ay dhacaan ama dhici waayaan labada wajiba?!