Dhoolatuskii Golaha Wasiiradda, Mooshinka Baarlamaanka iyo hurdeysiinta Farmaajo. Maxaa xigi doona?

Reading Time: 2 minutes

Kulanka maanta ee Golaha Wasiiradda oo uu soo qaban qaabiyay Ra’iisal Wasaare Xassan Cali Kheyre ayaa ujeedadiisu ugu weyn ahayd in indhosarcaad lagu sameeyo shacabka Soomaaliyeed isla markaana la muujiyo in hogaanka dowladda mideysan yahay, islana wada joogi doonaan.

RW Kheyre oo aaminsan in uu ka caqli badan yahay 12ka Milyan ee Soomaliga ah ayaa maanta dhoolatus ka sameeyay Golaha Wasiiradda dhexdiisa. Dhaqanka noocaan ah ayaa lagu yaqaanaa qofka ku dheereeya dhaqanka qiyaanadda iyo been abuurka  (Con Artist). Shaqsiga noocaan ah  ayaa waxa ka mida astaamihiisa  in uu waqtigiisa intiisa badan ku lumiyo sidii uu u dabooli lahaa  ama u qarin lahaa ceeybtiisa ama uu u abuuri lahaa jawi ama xaalad  lagu mashquuliyo shacabka. 

Kulanka maanta ayaa waxa la doonayay in lagu hurdisiiyo Madaxweyne Farmaajo oo aad maado in uusan warba u heynin xaaladda guud ee dalku ku sugan yahay iyo guud ahaanba dareenka shacabka Soomaaliyeed ka qabaan hogaankiisa.

Mida ka mida dadkii daawaday qeyb ka mida kulankii maaanta ayaa u sheegay MOL in mas’uuliyadda dalka ay gacanta ugu jirto koox caruur ah oo ku mashquulsan ciyaar iyo been isku sheegid. Waxa uu yiri “labo unbey iigu muuqataa, in ninka madax dheere ee Kheyre uu waalan yahay iyo in uu moodo in 12 ka Milyan ee Soomaaliga ah waalan yihiin”.

Labada Gole ee sharci dajinta oo muuqda kuwa  ka daalay beenta joogtada ah iyo dhaqan caruureedka Madaxweyne Farmaajo ayaa  markii ugu horeeysay qaatay go’aan dalka iyo dadka looga badbaadinayo.

Su’aasha dad badan isweydiinayaan  ayaa ah MW Farmaajo hurdada maanta la saxeeyay miyuu ka soo toosi doonaa marka uu noqda Madaxweynhii ugu horeyay ee Soomaaliya ee Mooshin sharciyeysan laga geeyay Baarlamaanka?  Mise hadda ayuu hurdada ka toosayaa oo ninka shacabka Soomaaliyeed  ula baxeen magaca Kheyrlaawe  ayuu dalka iyo dadka ka qabanayaa?.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa laga filayaa in ay markii ugu horeeysan ay tusaan shacabka Soomaaliyeed in aan la iibsan karo damiirtooda. Talabada xigta oo ay qaadaan waxaa ay dib u soo nooleyn doontaa karamadii Baarlamaanka. Tilaabada xigata oo ay qaadaan waxa ay sidoo kale abuuri doontaa jawi shacabka Soomaaliyeed dib u aaminaan dowladooda iyo golayaashooda sharci dajinta.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!