Dhoolatuskii awooda Galmudug oo fartiin loogu diray Farmaajo? Mise ku waano qaadan doonaa? (Sawiro)

Reading Time: 2 minutes

Waxaa shalay lagu qabtay deego badan oo ka tirsan Dowlad Goboleedka Galmudug munaasabada xuska Shuhadada Ahlu Suna. munaasabadaan oo isugu jirtay dhoolatus awood ciidan, duco iyo ilaah bari ayaa waxaa lagu qabtay magaalooyinka Guriceel, Cabdudwaaq iyo Dhuusamareeb.

Waxaa magaalada Guriceel lagu soo bandhigay awood ciidan oo isugu jira hubka noocyadiisa kala duwan, ciiidan ku hubeysan hubkii iyo dareeskii ugu danbyeeyay oo ay ka muuqato shacuur wadaniyadeed iyo mid doowladnimo.

Shacabka ku dhaqan deeganadaas ayaa isugu soo baxay wadooyinka ayaga oo daawanayo dhoolatuskaas ciidan. Waxa ka muuqanaysa shacabka deeganada Galmudug isku duubnaan iyo walaatinimo.

Dhanka kala dhoolatuska maanta waxa uu fartiin u diray dowlada Fedaraalka taas oo lagu tusaalaynayay in Galmudug ee uu hogaanka u hayo Madaxweyne Xaaf aysan ahayn mid mala-awaal ah laakiin ay ku tiirsan tahay awood ciidan.

Farmaajo ayaa waxa la tusaalaynayay in uusan wax saameyn ah ku lahaan doonin deeganka Galmudug. Wax doorasho la yiraahdo oo ka dhacayso magaalada  Cadaadana ayan jirin. Muse Elmi oo ka tirsan ciidanka Galmudug ayaa yiri “..bal waa kaa ee Farmaajo ha isku dayo in uu Galmudug doorasho been abuur ah ku qabto”. Waxa uu intaas ku daray “hadii uu maanta ku quusqaadan waayo awooda aan soo bandhignay, minkaas Farmaajo la yiraahdo  ma aha qof fiyoow, waxaan ku tirineynaa in uu xanuunsan yahay”.

Dowlada Galmudug ee uu hogaamiyo Madaxweyne Xaaf ayaa waxa uu haystaa awood ciidan oo aan marnaba Dowlada ayan u babac dhigi karin. Waxaana muuqata in go’aanka ugu danbeeya uu ahaan doono mid ay leeyihiin shacabka iyo madaxda Galmudug.