Dhoofinta shidaaalka oo ay Itoobiya ka bilaabayso dhulka Soomaalida

A flame rises from a chimney at Taq Taq oil field in Arbil, in Iraq's Kurdistan region, August 16, 2014. REUTERS/Azad Lashkari/File Photo
Reading Time: < 1 minute

Wararka ka imaanaya dalka ayaa sheegaya in dowlada Itoobiya ay dhawaan  bilaabeysa dhoofinta Shidaalka laga helo deegaanka gobolka Soomaalida

Sida ay ay sheegtay Wasaaradda Macdanta, Shidaalka iyo Saliidda Dabiiciga ee Itoobiya ayaa sheegtay Soo saarista Shidaalka Deegaanka Soomaalida laga helay in lagu soo gabagabeeynaya saddex sano.

Agaasinka waaxda maamulka shatiyada shidaalka ee wasaaradda Qasala Tadese ayaa sheegtay iney jiraan marxalado dhowr ah oo ka horreeya oo uu shidaalka soo saaristiisu marayo inta aan la isticmaalin ka hor.

Waxayna intaa ku dartay “in la qodayo boqollaal ceel oo kale isla-markaana la fulinayo mashaariic waaweyn oo dhinaca kaabayaasha dhaqaalaha ah oo fududeynayo shidaalka in muddada looga tala galay dalku uu ku soo saaro.”

Ilaa iyo hadda waxaa shidaal laga helay shan qaybood oo dalka Itoobiya ka mid ah sida Rift Valley, Abbay, Mekelle, Metema iyo Gambella balse waxaa marki ugu horreysay shidaal laga soo saaray Deegaanka Soomaalida qaybo ka mid ah tijaabadi la sameeyeyna lagu guuleystay.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!