Dhoobleey oo Lagu Qabtay Ajaanib Al Shabaab Lagu Tuhmaayo in Ay Ka Tirsanyihiin

Reading Time: < 1 minute

Ciidamada amaanka maamulka Jubbaland aya la shegaya in ay gacanta ku dhigeen rag ajaaniib ah oo la sheegay in ay katirsan yihiin Al Shabaab.

Saraakiisha amaanka maamulkasi ayaa kusoo bandhigay Dhoobley Sadex nin oo ajaaniib ah oo ay sheegeen in ay katirsanaayeen Al Shabaab, iyadona ay shegeyn in ragan laga qabtay tuulo kutaala xadka ay wadaagan Soomaaliya iyo Kenya.

Sadaxda nin ayaa la sheegay in labo kamid ah u dhasheen dalka Tanzaaniya halka midna uu u dhashay dalka Kenya.

Ragan ajaaniibta ah ee lagu qabtay Duleedka Dhoobley ayaa wararka qaar sheegayaan in ay ahaayeen kuwa katirsanaa Al Shabaab balse doonayay in ay ka baxsadaan kooxdaasi dibna ugu laabtaan dalalkooda.