Wasiirka Cadaaladda xukuumada Soomaaliya, Xasan Xuseen Xaaji, ayaa fahfaahin dheeri ah ka bixiyay sharciga dhismaha Guddiga la dagaalanka musuq-maasuqa, kaasi oo hadda horyaalla Gollaha Aqalka Sare.
Sharcigaan oo uu soo meel-mariyay Gollaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa lagu wadaa inay akhrinta labaad marsiiyaan Aqalka Sare, kuwaasi oo la filayo inay ansixiyaan dood dheeri kadib.
Xukuumada Soomaaliya ayaa dhowr jeer meel-fagaaro ah ka sheegtay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo dhisi doono Guddiga la dagaalanka musuq-maasuq, si loo dar-dargeliyo ciribtirka wax-is-dabamarinta.
RW Xasan Cali Kheyre aya ka digay in la dedejiyo sharcigaan isagoo ku tilmaamay in uu noqon doono mid caqabad ku ah geeddi socodka nidaamka maaliyadda, iyo in Soomaaliya laga cafiyo deymaha lagu leeyahay, RW Kheyre ayaa sidoo kale sheegay in kooxaha mucaaradka ay guddiga musuqmaasuqa u isticmaali doonaa aalad ay ku majo xaabiyaan nidaamka dowladda iyo horumarka xukuumadda.
Hadalka ka soo yeearay RW Kheyre ayaa waxaa uu dhaliyay isku dhac iyo muran dhex mara MW Farmaajo iyo RW Kheyre, waxaana ilo xog ogaal ah ay u sheegeen MOL, In MW Farmaajo uu amray in la dedejiyo dhameystirka sharciga sida ugu dhaqsaha badanna loo dhiso guddiga la dagaalanka musuqmaasuqa.
Wasiirka caddaaladda ee xukuumadda RW Kheyre ayaa uga digay sidoo kale aqalka sare in la dedejiyo dhismaha guddiga musuqmaasuqa isagoo sheegay, in guddigana uu u ubaahan yahay nidaam dheer oo waqti badan qaadan kara, si loo soo dhisi.
“Waa in marka hore sharcigaan uu meel-mariyaan Aqalka sarre, kadibna uu saxiixaa Madaxwaynaha, laguna soo saaraan faafinta rasmiga ah..Markaasi kadib ayaa la dhisi doonaa,” ayuu yiri Wasiirka Cadaalada.
Wasiirka ayaa hadalkiisa raaciyay in marka laga soo gudbo nidaamkaan ay ku dhaqaaqi karaan soo xulashada xubnaha Guddiga, kuwaasi oo uu xusay inay jiraan shuruudo ay ku qaadan doonan, inkasta oo uusan bidhaamin.
Soomaaliya ayaa safka hore uga jirta liiska dalalka ugu musuq-maasuqa badan caalamka, halkaasi oo xubnaha dowlada la sheego inay ku bixiyaan dhaqaalo badan si ay udaafacdaan kuraastooda.
Horaantii sanadkaan, xukuumada ayaa maxkamad soo taagto Isku-duwaha masharuuc uu Bankiga Horumarinta Islaamka ka fulinayo Soomaaliya, kaasi oo ay maxkamad ku taalo Muqdisho ku xukuntay saddex sano oo xabsi ah.
Dhisitaanka Guddiga ayaa loo arkaa mid bud-dhig unoqon kara in dalka laga xorreyo musuq-maasuqa la degtay 30-kii sano ee lasoo dhaafay, inkasta oo ay jiri karaan caqabado keena inaan si dhab ah loo dabar-jarin.