Wareeysigii dheeraa ee laga qaaday FAHAD YASIN waxaa laga fahmay inuu wareeysigu ahaa mid loo soo diyaariyey. In Fahad oo xirfadda wariyenimo aqoon u lihi ku talo galay inuu eedo aad u badan oo loo heysto dad kale dusha ka saaro. Laakin kuma guuleeysan oo waxaa soo baxay su’aallo badan oo shaki hor leh keenay. Sida ay sheegatay IKRAM hooyadeed QAALI GUHAAD, wallee FAHADOW falaari gilgilasho kaagama harto.
Dhinaca kale FAHAD waxaa uu sheegay in doorashadii Ahmed Madoobe aanay ahayn doorasho oo ay tahay wax lagu qoslo. Haddaba waxaa is weydiin leh doorashadii Laftagareen, Qoorqoor & Guudlaawe ma doorasho ayay ahaayeen? Maxayse doorashada Ahmed Madoobe kaga duwaneyd doorashooyinka kale oo aan ahayn in Haramcad iyo NISA dadka lagu cabsi gelinayey.
Bilowgii wareeysiga waxaa uu ku faanay FAHAD inuu ahaa wiil hooyo koris ah. Aabbihiina ma sheegin oo sooma hadal qaadin haba yaraatee, waxaa uu u hadlay sidii nin aan Aabbihiis aqoon ama inkirsan Aabihii dhalay. Waxaa uu ku dheeraaday amaanta & ducada hooyadii oo uu sheegay inay weligeed xijaabneyd, noloshiisa, barbaarintiisa & waxbarashadiisane mahad & abaal ku leedahay. Waa yaabe FAHAD Aabihii muxuu ku nacay? Maxaa keenay in FAHAD labadiisa waalid wada ixtiraamo waayo? FAHAD waxaa uu sheegay inuu yahay xaafid quraan umana muuqan adaabtiisu sidaas, waaxaa uu yiri, waxaan bartay diinta islaamka anshaxeedna ma lahayn. Waxaa uu ku andacooday wadaniyad beena, siyaasad bug ah. FAHAD waxaa uu sheegay inuu leeyahay magacyo badan. Waxaa ka mida ah magacyadiisa FAHAD YASIN XAAJI DAAHIR, FAHAD AHMED DAAHIR, ama FAHAD DAAHIR AHMED mar kalena loo yiqiin CABDIRAXMAN. Dad yaqaan Aabihiis waxay sheegeen in loo yiqiin magaciisa MAAMAMED YASIN XAAJI DAAHIR. Waxaa muuqata inuu si cad u diidan yahay Aabbe ama yahay wiil caasi ah. Waxaa hadda dad badan is weydiinayaan FAHAD runtii Aabbe ma leeyahay? Ma yaqaan cilmiga saxaafadda mise waxaa uu ahaa nin wixii loo qoro akhriya intii uu Jasiira u shaqeynayey maadaama uu cod fiicnaa?
Marka aad eegto wixii FAHAD sheegay intii wareeysigu socday waxaa run nqoday wax alla wixii laga sheegi jiray intii u dhaxeeysay 2017- 2021. Waa is keenay warkiisa iyo wixii laga sheegi jiray oo ahaa inuu shisheeye u shaqeeyo. Ninkaan FAHAD la yiraa uma dhaqmin sidii nin la aamini karo, run ma sheego, nin wadani ahna ma ahayn. Waxaase wax kasta oo xumaan ah oo dhacay la wadaagay Madaxweyne FARMAAJO oo ahaa ninka ninkaas u dhiibay NISA.
Doofaar ma daahiro, waxaa la sheegay in dagaalkii Somalia & Ethiopia ee sanadkii 1964 Fahad adeerkii iyo nin Kaliyah ee sarkaal ka ahaa reerkooda berigaas oo ay qaraabo ahaayeen lagu helay Jaasuusnimo.
FAHAD waxaa uu dhibaato aan la koobi karin u geystay gobolka HIIRAAN. Waxaa hore u baabi’yey HIIRAAN ninka la yiraa FAARAX CABDULQADIR , CABDIRAHMAN DHEERE iyo CABDI NUR MAXAMED. Waxaase ugu sii darnaa FAHAD YASIN. Markii ugu dambeeysay waxaa BELEDWYNE ka dhacay 4 Qarax oo FAHAD abaabulay. Waxaa la gaaray in magaalada oo 16 meyd ah iyo 50 dhaawaca taallo Bandow la geliyo si FAHAD loo doorto. Guud ahaan waqtigii Doorashada 2022 waxaa BELEDWYNE ku dhimatay Qarax 282 qof. FAHAD waxaa uu madax ka ahaa, ma ahayn sirdoon qaran ee waxay ahaayeen musiibo ummadda loo soo diray.
BELEDWEYNE meydka waa la aasi waayey muddo 2 maalmood ilaa FAHAD laga doorto. Magaalada waxaa guryaha yiilay meydadkii oo qurmay iyo dhaawicii oo sii dhimanayey. Haddii uu run sheegayo oo sirdoon xoog leh dalka jiray bal muxuu u badbaadin waayay IKRAM TAHLIIL mudadii Xamar lagu lagu dhex heystay. Mar walba waxaa sii caddaaneeysa in NISA dishay gabadha. Dhibaatooyin badan buu inta uu abaabulo FAHAD dalka ka bixi jiray, marka dhibaatooyinku dhacaanna maalinta xigta dalka imaan jiray. Waxaa uu ahaa jaajuus shisheeye oo wata (5) passport sida Kenya, Ethiopia, Turkey, Qatar(traval document) & Somalia.
Waxaan maqli jiray sir ma qabe saab baa biyaha u celiya. Reerka IKRAM ka dhalatay ilaaheey baa wax u iftiimiyey, oo FAHAD baa iska hadlay. Hadda FAHAD waa nin garabkiisa Alle ka baxay. Waxaa uu yiri magaalada meel kasta (3) mitirba walba qof ilaalo shacab ah oo NISA ka tirsan ayaan dhignay IKRAM TAHALIIL wixii la baxay xarunta NISA waxbana kalama soconno. Waxaa uu is leeyahay eedda ROOBLE iyo saaxibadiis dusha ka saar , Laak in Osage ayay dusha uga dhacday. Isma oga laakin dilka Ikram isaga meelna uma dhaafsana. Yaa dabaal ah oo duurka loo diraa? Xaqiibaa feeraha ka dilaacay!
Waxaan dadka la xusuusinayaa in wareeysiga FAHAD lagu qaaday Magaalada Doha ee Qatar. Dad badan baa u heysta in Istanbul lagu qaaday
Waxaan dadka la xusuusinayaa in wareeysiga FAHAD lagu qaaday Magaalada Doha ee Qatar.
W/Q. Axmed Sabriye