Dhibaatooyinka Doorashooyinka Qof iyo Cod iyo Kaliteliyayaasha Ka Dhashay: Ismaciil Cumar Geelle

Reading Time: 2 minutes

Horay waxaa uga soo hadallay Madaxweynaha Ugandha Yoweri Musaveni oo ku yimid doorashada qof iyo cod muddo 35 sano ahna ku jooga.MadaxweyneyYoweri Kaguta Museveni Ugandha. 1996-2001, tii 2001-2006, tii 2006-2011, tii 2011-2016, tii 2016-2021, tii 2021-2026.

Madaxweyne Ismaciil Cumar Geelle, Jibuti.

MW Ismaciil doorashadii ugu horreysay dalka ku qabsaday  waxay dhacday 1999, ilaa maanta waa ka degi la’ayahay. Sidaan ayey isu daba taxneyd guushiisa wuxuuna ku guuleystay doorashadii 1999-2005, tii 2005-2011, tii 2011-2016, tii 2016-2021 iyo tii u dambeysay oo ah 2021-2026.

Haddaba Maanta waxaan ka hadleynaa walaalkeen Ismaciil Cumar Geelle oo jibuuti xukumayey 22 Sano, doorasho qof iyo cod soo qabanayey muddo 22 sano ah isagoo mar waliba soo farsamesanyey guusha . Ismaciil waxaa uu talada dalka yar ee JIbutti qabtay 1999 ilaa maantana isaga ayaa kufadhiya kursiga, marka la weydiiyana waxaa uu ku sheegayaa waxa ay sheegaan kalitaliyayaasha oo ah shacabka ayaa I raba. Imisa jeer ayaad beentaas Farmajo ka maqasheen isagoo leh waxaa nahay dowladdii shacbiga. Dowlad dadkeeda sidaan u dandarreysa miyaa dowlad shacbi ah waa yaabe?

 Hannaanka doorashada ee Qof iyo Cod marka aan eegno labadaan Madaxdweyne oo kaliya , inkastoo kuwa kale ay noo soo socdaa, sow nooma cadda inuu yahay hannaan cusub oo ay ku  abuurmaan kalitaliyayaaal haddii bulshadaas aysan u bisleyn inay iska qabtaan marka uu kalitaliye bilaabo inuu habeysto guusha.

Khasab maaha in doorashadu ay noqoto qof iyo cod ee waxaa Khasab ah inay doorashada noqoto mid lagu heshiis yahay oo lawada aqbali karo waxa ka soo baxa, laakiin marka u qof rabo inuu dadka ku khasbo hannaan isaga uu rabo inuu ka faa’iideysto inuu ku soo baxo, kadibna sida Museveni ama Geelle dunida u sheega waa la I doortay dadkana ku khasba inay aqbalaan natiijada.

Arrinkaas waa waxa hadda ay ka shaqeynayaan Farmajo iyo Fahad oo uu hadda ku biiray RW Rooble oo runtii khiyaanay qalbiga dadka Somaliyeed kadib markii uu iska dhigay qof ka shaqeynaya wanaagga ummadda.

Sideedana ma jirto doorasho dadka ka wada farxisaa oo waaba kala doorasho oo mid inta la aqbalo oo la qaato ayaa mid kale laga tagaayaa, laakiin madaxda marka ay mar waliba soo farsameystaan guusha doorashada waa waxa abuura kalitaliye.

Si fiican uga boga tusaalahan ay qof waliba fahmi karto. Koox kubbada cagta ciyaarta oo guddiga garsoorayaasha ee galabtaas ay isla kooxdaas ka tirsan yihiin, kii loo dacwoon lahaana u gudoomiyahooda yahay, kooxda ay la ciyaarayaannna  loo diido garoon ay ku tababartaan iyo ciyaartoyda ay rabaan inay soo saftaan, lana abuuro xaala waxkasta oo looga badin karo kooxdaas sidee ayuu xaalku noqonayaa sida xeerarka oo aan lagu heshiin, waa sidaas doorasho qof iyo cod ah haddii aan loo bisleyn oo aan heshiis lagu ahayn sharciga lagu maamulayo, garoonkana aan loo sinneyn. Waxaa ka dhasha dagaal iyo dhimasho sida haddaba Itoobiya ka socota oo ka bilaabatay doorasho uu Abiy Axmed dib u dhigtay kadib markii uu arkay inuusan guuleysaneyn, kadibna ay ismaamulka Tigray qabsadeen, isagana uu ku duulay.

Haddaba mar rabnaa inuu Farmajo noo joogo ilaa 2044 oo ah 22 sano uu Ismaciil Cumar doorasho beenaad ku haystay  jibuuti ama sida Musaveni oo 35 sano  ku haystay doorasho beenaad qof iyo Cod ah?

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!