Dhexdhexaadinta Itoobiya ka dib, Somaliland oo bilowday la bixida hubka culus

Reading Time: < 1 minute

Sida ay xaqiijinayaan wararka laga helayo gobalka Sool, dowlada Somaliland ayaa bilowday inay hubkii cuslaa ee lagu weeraray magalaada Laascaanood ay kala baxdo deegaanada ku dhaw magaalada Laascaanood.

Warka ayaa intaas ku daraya in la arkaayay Somaliland oo ka saaraysa Taliska ciidamadooda gobalkaas ee Gooja-cade 3 Madfac oo baabuur jidayso iyo 10- baabuurta dagaalka ah oo askar saaran tahay.

Madaafiicda oo kamid ah kuwii yaalay Gooja-cade ee lagu garaacayay magaalada, ayaa ladhaafiyey Tuulo-Samakaab oo Laascaanood u jirto 37-KM, warar kala duwan ayaa kasoo baxaya ujeedada.

Hayeeshee, dadaalka  Itoobiya ee ah in la qaado ciidanka Somaliland ayaa xoogeysanaya. 16-kii bishii hore ee February, Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa u sheegay wakiilada caalamiga ah in uu ciidankiisa geynayo AriCadheeye, balse u baahan yahay damaanad ah in aan looga daba imaanin.