Dhexdhexaadin dheer ka dib AhluSunna oo isaga baxday Guriceel

Reading Time: < 1 minute

Dhexdhexaadin dheer oo ay hogaanka u hayeen ganacsato  ka dib  ayaa AhluSunna isaga baxday Guriceel. Wararka smaka ka imaanaya Gurieel ayaa sheegay in la arkaayay Ciidanka Ahlu-Sunna oo wata gaadiidkooda dagaalka ayaa ka baxay wadada deegaanka God-Wiil ee aada dhanka Waqooyi Beri ee magaalada Giriceel.

Warka ayaa intaas ku daraya in Ciidamada Ahlu-Sunna oo fariisin  ku lahaa dhanka waqooyi ee magaalada, gaar ahaan Jaamacadda ayaa halkaas ga  tagay 2 Gaari oo kala ah Beebe iyo Cabdi Bille oo ay lahaayeen ciidamada dowladda, kuwaas oo ay ku qabsadeen dagaalkii bishii hore ka dhacay deegaanka Bohol.

Saraakiil ka tirsan Ahlu-Sunna ayaa laga soo xigtay in ay sheegeen in wadahadal ay gar wadeen ka yihiin Ganacsade Xaashi Carabey iyo Senator Cabdi Qaybdiiid ay Guriceel uga baxeen.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!