Reading Time: < 1 minute

Iyada oo qilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Deni yo Karaash uu meel xun gaaray ayaa waxaa ku baxay isimada Puntland si loo dajiyo. Qayb  kamida dhex-dhexaadintaas ayaa saakay loo faarisan doonaa. Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sida qorshaysan saaka oo Axad ah la kulmaya qaar kamid ah Isimada Dhaqanka Puntland oo ku hawllan dhex-dhexaadinta khilaafka isaga iyo Madaxweyne ku xigeenka Axmed Cilmi Cismaan.

Waxaa ka filayaa Isimada oo ay weheliyaan Guddoonka Baarlamanka in ay  saaka madaxweynaha kula kulmaaan xarunta Golaha Wakiilada Puntland ee Caasimadda Garoowe si looga dhegaysto qaladaadka uu ka tirsanayo Madaxweyne ku xigeenkiisa. Isimada dhex-dhexaadinta wada iyo Guddoonka Baarlamanka ayaa sidoo kale shalay la kulmay Madaxweyne ku xigeenka oo ay ka dhegaysteen qaladaadka uu tabanayo ee dhaliyay Muranka isaga iyo Madaxweyne Deni.

Waxaa horay u jiray dadaallo  lagu doonayay xallinta Khilaafka labada Hoggaamiye ayaa fashil ku dhammaaday waxaana haatan Isimadu wadaan dadaalkii u dambeeyay si loo dhammeeyo isfaham-waaga Deni iyo Karaash oo gaarsiisan heer aysan salaanta iska qaadin.