War Deg Deg ah:-Al-shabaab oo sheegtay in ay burburin doonto Dagaalamayaasha Al-qaacida ee Soomaaliya joogta!!

Reading Time: < 1 minute

Dhawaanahaanba waxaa isi soo taraayay dagaalka hoose ee u dhaxeeya Al-shabaab iyo kooxda daacish taasi oo la rumeeysan yahay in ay hoos tagto Al-qaacida.

Afhayeenka Al-shabaab cali maxamuud raage cali dheere ayaa waxaa uu ku goodiyay in uu cirib tiraayo Al-qaacidada soomaaliya kuwaasi oo uu ugu yeeray cudur u baahan in la dabar jaro.

Cali Maxamuud Raagge waxaa uu carabka ku dhuftay in uu amraayo Dagaalamayaasha Al-shabaab in ay fuliyaan weeraro iyo dilal kooxdaasi ka dhan ah.

Shabaab iyo daacish ayaa la rumeeysan yahay in aysan isku aragti aheeyn islamarkaana uu ka dhaxeeyo dagaal hoose oo xoogan