Dharaar cad baa nala dhacay madaxdeenii iyo caamadana dabaaldegtay (Faalo)

Reading Time: < 1 minute

Murugo iyo xanuun waxaa igu noqday sida guul ku sheega badda nalaga boobay aay madaxda Soomaaliyeed ula soo boodeen iyagoo xitaa dhegaysan oon darsin jawaabta xaakimkii   Soomaaliyeed ee aan nasiibka u yeelanay ee halkaa inoo joogay waxa uu ka yiraahdo.

Waxaa kaloo murugo iyo xanuun u reebay sida Kenyatigii iyo saaxibadii baddeena xaday aay ruwaayadda fiican ujileen madaxdayadiina u sacabo tumeen. Uhuru isagoo 6dii ceel ee shidaalka 3 qaatay buu iska dhigay nin dhacan, halka madaxdayadii xaflado iyo damaashaad waagu ugu baryey.

Soomaaliya dharaar cad baa  la dhacay madaxdeenii iyo caamadana dabaaldeg bay u baxeen. Arrinkan waxay ahayd arrin shirqool wayn ah oo Soomaaliya looga dhacay bad iyo batrool waxaa dhibtaa inoo keenay waa anagoo noqonay Qaran aan wali helin madax u qalanta oo dalkaa hogaamise.

Bal Allah baan idinku dhaarshe aanba dhacnaane madaxdayada ma waxay garanwaayeen inay yiraahdan oo kaliya A)Badda nalaga jaray waa bad Somaliyeed cadaaladdii aan kafilaynay ICJ kama aanan helin iyagoo cuskanaya inta qodob ee judge Abdiqawi ku diiday ICJ oo uu ku tilmaamay cadaalo daro dalkiis lagu sameeyey, kadibna yiraahdaan hase ahaate waan aqbalnay go’aanka ICJ anagoo eegeena daris wanaag iyo qadarin aan sharci iyo ICJ u hayno ama yiraahda B)Iyagoo intaa horre sababaynaya yiraahda waanu ka fiirsanayna go’aanka ICJ maadama uu dalka haatan doorasho kujiro waxaan talaabada u haboon ee Qaranka Somaliyeed uu qaadayo udaynayna xukuumadda imaandoonto.

Bal Soomaaliyeey ma u malaynaysaan haddii jawaabteenu sidaa mid noqon lahayd inuu Uhuru Kenyatta nagu jees jeesi lahaa? Jawaabtu waa xagiina intiina waxgaradka.

Waxaa Qoray
Cabdulqadir Fish

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!