Marxuum Cabdisalaan Muuse Siciid oo kamid ahaa dhaqaatiirta Gargaar Hospital Laascaanood ayaa saaka ku geeriyooday madaafiic ku dhacay qayba kamid ah isbitaalka. Sida ay sheegeen salaadiinta ku sugan magalaada Laascaanood.
Ciidamada Somaliland ayaa isbitaalka duqayay taas oo sababtay geerida marxuumkaas. Wararku waxay sheegayaan in sidoo kale dhaawacyo kala duwan ka dhasheen duqaymaha ku dhacay gudaha Laascaanood. Dhanka kale Dowlada Somaliland ayaa iska fogeysay eedaas waxa ayna ku eedeysay in dhimashada dactorka ay ka danbeeysay waxa ay ugu yeereyn argagaxiso.