Dhaqdhaqaaqyo ciidan oo laga dareemayo deeganada Gobolka Sanaag

Reading Time: < 1 minute

Somaliland ayaa dhaqdhaqaaq Ciidan ka bilowday Gobolka Sanaag, waxay Ciidamo u dirtay degaano hoos yimaada Yube iyo Xingalool ee Sanaag oo maalmihii ugu dambeeyay ay ka taagneyd Xiisad.

Arrintan ayaa ka danbeysay kadib markii Ciidamo uu hogaaminayo Col.Caarre oo kasoo goostay Somaliland, howlgalo ka fuliyeen Gobolka kadibna ku laabteen saldhigooda Aaga Qardho.

Taliyaha Ciidanka Somaliland ee bariga Sanaag ayaa warbaahinta u sheegay in Somaliland aysan aqbali doonin Ciidamo kasoo baxa Qardho ay soo weerareen ka dib ay ugu laabteen Puntland.

Cabsi weyn ayaa laga qabaa in uu dib laabto dagaalkii Somaliland iyo Puntland.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!