Waxa xalay iyo maanta baraha bulshada la wareejinaayay video muujinaya gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo dad shacab ul ku tumaya isaga oo aan ukala soocin rag iyo dumar; khalad iyo sax. Sawirka oo ahaa mid dhaliyay fajac iyo layaab, waxa ayna muujisay halka uu maraayo xaalada hogaanka Gobolka Banaadir.
Dowladnimo waxa ay tahay in shacriga la ilaaliyo, isla markaana an lagu xadgudbin xuquuqda qofkastaa oo Soomaaliya. Ma ahayn in Gudoomiye Gobol uu isku badalo shaqsi aan mas’uul ka saarmaynin hogaanka Gobolka Banaadir.
Balaayo uu ku dhawaad sanad daawanaayay waxna uu ka qaban waayay ayuu yiri film ha la iga duubo aniga oo garaacaya dad shacab ah. Mas’uuliyada Gudoomiyaha ayaa ahayd in uu xiro goobta, shatiga kala noqdo dadka iska leh goobta tuhunka ka jiro ama waxa ay ahayd in uu dacwo ku soo oogo dadka lagu eedeynayo in ay maandooriyayaal iibinayeen.
Waxaase qaldan in dad shacab oo isugu jiro kuwa eedeysan iyo qaar u yimid goobta inay ku ciidaan la uleeyo oo sharafkooda iyo karaamadooda meel looga dhaco. Dadku ma aha hanti uu madaalo leeyahay ee waa dad uu u shaqeeyo canshuurna uu ka qaado.
Dhowr bilood ka hor ayaa ay ahayd markii uu xoolo dad shacab ah leeyihiin uu si gardaro ugu qal-qalay magaalada Muqdisho taas oo ay dhalatay falcelin ka timid shacabka ku dhaqan magalaada Muqdisho. Isaga oo awoodo in uu arinkaas si kale oo wanaagsan u xaliyo ayaa uu qaatay go’aan qaldan oo dhaawacay karaamada xafiiska uu ka tirsan yahay.
Halkaan ka daawo fadeexada ka baxsan xuquuqda aadanaha ee uu ku kacay madaale