Dhaqaalihi Lagu Bixinayay Mooshinka Jawaari Fashilmay Xili Hada Isku Dhacyo uu So Wajahay Saxibada Moshinkaasi

Reading Time: < 1 minute

Xildhibaanada laga soo doortay deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya ee ka tirsan Gollaha Shacabka ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Konfur Galbeed Shariif Xasan Sheikh inuu ku lug leeyahay mooshinka ka yaala Jawaari ee Xukuumadda ka gudbisay.

Xildhibaanada oo ku kulmay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Shariif Xasan uu gadaal ka riixayo mooshinka,islamarkaana dhaqaalo badan uu ka bixiyay.

Sidoo kale,Xildhibaanada ayaa hoosta ka xariiqay in Shariif Xasan marar badan lagu arkay Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya,taasi oo cadeyn u ah in Shariif Xasan ku lug leeyahay Mooshinka laga gudbiyay Guddoomiyaha Gollaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari.

Khilaafka u dhaxeeya Guddoomiye Jawaari iyo Xasan Cali Kheyre ayaa cirka isku sii shareeraya,iyadoo Guddiyada loo saaray xalinta Khilaafka ay xal ka keeni waayeen.

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka oo xalay ku shiray Muqdisho ayaa sheegay inuu bur buray mooshinkii laga gudbiyay Jawaari,islamarkaana waqtigiisa laga gudbay.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!