Ciidamada dowlad goboleedka Jubbaland ayaa maanta waxaa ay dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wadaan deegaano hoostaga Magalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.
Ciidamada ayaa sigaar ah waxaa ay dhaq dhaqaaqyada uga wadaan deegaanka Baarka ee duleedka Kismaayo halkaas oo shalay gelinkii dambe uu dagaal culus ku dhexmaray Ciidamada Jubbaland iyo kuwa Ururka Al-Shabaab.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig Ciidamada Jubbaland ku leedyihiin deegaanka Baarka,waxaana saraakiisha ciidamada ay sheegeen inay weerarkaas iska difaaceen.
Dad ku sugan deegaanka Baarka ayaa waxaa ay sheegeen in dhaq dhaqaaqa Ciidamada ay wadaan siweyn looga dareemay deegaanka,isla markaana mararka qaar la maqlayo rasaas goos goos ah.