Dhaq-dhaqaaq ciidan oo caawa ka socda magaalada Muqdisho? (Daawo Video)

Reading Time: < 1 minute

Waxaa caawa ka jira magaalada Muqdisho dhaq-dhaqaaq ciidan iyo diyaar garow howlgal. Dhaq-dhaqaaqaan oo bilaawday labo saac ka hor ayaa waxa uu u muuqdaa mid baro gaar ah lagu bartilmaameysanayo.

Waxaa caawa lagu arkayay magaalada Muqdisho ciidamo  ku hubeysan Gawaarida Gaashaman kuwaas oo ka soo dhaqaaqay dhinacyo badan oo ay ku jirto  Xarunta Wasaaradda Gaashandhiga , qaar kala waxa ay ka yimaadeen dhanka Jazeera ee duleedka Muqdisho.

Wali lama oga ujeedada rasmiga ah ee ciidankaas iyo halka ay ku wajahan yihiin. Dhanka kale waxaa maanta tagay deegaanka ku dhaw degamada Balcad ciidan ay ku jiraan saraakiil ka socotay dalka Eritereeya oo maalmahan ku sugnaa magalaada Muqdisho. Ujeedada ciidanka iyo saraakiisha lama shaacin waxaase la tuhmayaa in ay horseed u yihiin qorsho dagaal.

Kooxaha taageerta dowlada ayaa waxa ay caawa Baraha Bulshada soo dhigeen in maalinta berito ah kooxda Al Shabab ka geeysan doonaan magaalada Muqdisho weerar. Arintaan ayaa u muuqato mid lagu marin habaabinayo shacabka Muqdisho ama la doonayo in marmarsiyo laga dhigto oo caawa ama perito  dagaal abaabulan lagu qaado deegaano dad shacab ah degan yihiin.

wixii soo kordha waan idinla socodsiin doonaa

halka ka daawo gawaarida gaashaman ee caawa lagu arkaayay magaalada Muqdisho.