Dhameystirka Distuurka oo Keenaya Somali Siman ayaa Guusheenna Ka Dhiman Mudane MW.

Reading Time: 4 minutes

“Dhameystirka Distuurka oo Somali Siman ah ayaa Guusheenna Ka Dhiman Xasanow, timahana soo sameyso sidii kii kaa horreyey markaas” Hadalkaan waxaa nagu yiri oday waayeel ah, Xaaji Cali Xuseen, oo 78 jira oo la hadlayey sawir aan tusinay oo ahaa MW Xasan oo ay Garkii iyo Timihii ku Baxeen. Maqalkaanna waxaa ka dhasahy dareenkaas xooga badan oo ay mid ay dadka Somaliyeed wada qabaan.

Sannad iyo Bar oo uu MW Xasan Sheekh Dalka hogaaminayey waxaa si isdabajoog ah loo gaarayey guulo dhaxalgal ah oo ay ummadda u aayi doonto, shaqo adag oo la qabtay darted, waana waxa looga baahan yahay dowlad iyo hogaamiye dalkiisa u shaqeeya ee aan ka shaqeysan.

Guulaha rabitaan kaliya ma keeno ee waxay rabaan u hawlgal muuqda oo diblomasiyad, xoog iyo dhaqaale ay mararka qaar naf ku baxdo mid kalana ku rafaaddo si loo gaaro waxaana tusaale u ah labada muuqaal ee MW Xasan markii la doortay iyo hadda uu dagaal kula jiro khawarijta iyo inta diidan Somalida Cusub iyo horumarkeeda.

Guulaha la taaban karo waxaa ka mid ah:

  1. Guusha Koowaad: In Khawarijtii dekadda Xamar, Garoonka Aden Cadde, suuqyada waaweyn iyo gurayaha ka qaadi baad ay sako iyo taakuleyn ku sheegeen inay maanta joogaan meelo baadiye ah oo aysan xataa laba laba u socon Karin, madaxdooda god ku hoydaan kuna is tijoodaan looga qaado cabsida ay ka qabaan XDS.
  2. Guusha Labaad: Deymihiin oo maanta la wada cafiyey kadib makii dadaal dheer oo ka soo bilowday 2012 ilaa maanta la soo waday. Waxana bilaabanay dhisidda waddooyinka, biyo Nadiif ah, horumarinta caafimaadka iyo kuwa kale oo badan, waxaana keenaya deyn cafinta oo noo fureysa albaabo badan iyo maalgashi dibadeed. Waa guul ay Somaliya u soo hooysay hogaaminta MW Xasan Sheekh.
  3. Guusha seddexaad: Ku biirista urur goboleed ganacsiga ee Bariga Afrika -EAC kan oo dadka Somaliyeed ula iman doona magac iyo maamuus weyn, waayo dadkeenna waa dad ganacsiga ku fiican. Marka aad tagto dal ay 100 Somali ah ku nool yihiin waxaad ka heleysaa meherado gancsi, kun markey gaaraan iskaba dhaaf. Magaalooyinka London, Toronto iyo Minesota Somalida waa laga yaqaan waxaana u sabab ah masakaxda ganacsiyeed. Haddaba marka suuqa Bariga Afrika na loo furo oo badeecadaheenu u kala gooshaan Muqdisho, Nayrobi, Caruusha, Kampala iyo Kigali oo aan wax canshuur ah lagaa qaadin baro garo garaadyarow guushaas qiimaha ay leedahay, mana aha guul uu MW Xasan sheekh kaliya leeyahay waa mid ay Somali leedahay isaga waa keenaha oo kaliya. Waa guul ay Somaliya u soo hooysay hogaaminta MW Xasan Sheekh.
  4. Guusha Afaraad: Xiriirka dunida aynu la leenahay oo maraya heerkii ugu sarreeyey marka dib loo raaco taariikhda Somalida dowladda ah, waayo weligeed isku si nalooma texgelin jirin Ruusha ilaa Mareykan, Yurub ilaa Shiinaha maanta waxaan nahay dal ay cid waliba rabto inay soo dhaweysato waxaana mahadeedda leh hogaanka dalka hayaa oo qaatay siyaasad ay Somali dan ugu jirto oo kaliya. Booqshadii uu hadda kaga soo noqday MW Xasan Sheekh Ingiriiska waxay dalkeenna gaarsiisay guul weyn, waayo In giriiska waa dalka ah qalinyaha Qarama Midoobey ee Somaliya waana dal haddii uu si fiican noogu hawlgalo wax badan aynu golaha amaanka ka qabsan doonno waana ballaqaadeen sida ka muuqata war-murtiyeedkii ay soo wada saareen Somaliya iyo UK. Waa guul ay Somaliya u soo hooysay hogaaminta MW Xasan Sheekh.
  5. Guusha Shanaad: Waxaana maalmo dhow la qaadi doonaa cunaqabteynta Hubka oo waxaa qalbiga noogu qaaboobi doonaa markaan arag Taangiyo iyo Madaafiicda Goobta ee gantaallaaha ridada dheer tuura oo ay dusha ka hareynayaan dayuuradaha codkooda ka dheereeya iyo kuwa qumaatiga u kaca oo kor heebaya, kuwaas oo ay labada dhinac kaga buufsan yihiin calanka Jamhuuriyada iyo Kan Xoogga dalka, lana qaado heesta Gallad oo ay qaado ahn Zeynab Xaji Cali Baxsan. Maalintaas waa weyn oo qalbiga iyo Qabka Somaliga cirka isku shareeri doono, ayaan ka sugaynaa MW Xasan sheekh iyo Dowladiisa.

Guusha Somalida Cusub Maxaa ka  haray oo ah Hawl noo wada Taalla?

Caaqilku waa garan karaan intaan loo sheegin, doqonsa yeelkeed waxa nooharay ee culeyska qalbiga nagu hayaa waa  in MW xasan Sheekh uu dhameystiraa DIstuurta dalka, haddii kale intaan oo guul wax badan ma tarayaan haddii weli aynu nahay ummad aan shacbigeedu wax dooran Karin oo weli  u kala qoqoban 4.5 iyo wax ka sii liita.

Dhameystirka Dirtuurka waxaa lagu gaarayaa:

  1. Inay Meesha ka baxdo 4.5 sidaas darted ciskasta oo rabtaa inuu dalka ka gubdo xeydaabkan ay gaalada noo dhigeen iyo inuu dadkeenni ahaado garba siman oo is garabsada oo aysan xilalka iyo xoolaha wada qaadan koox kaliya ee ay noqoto maxaa taqaan meshana ka baxdo yaa taqaan?
  2. Inuu dalkan noqdo dal madaxdiisa ay shacbiga soo doortaan oo madaxdweynaha soo socdaa uusan Ruto ama Abiy ugu faani Karin aniga shacbigeyga ayaa intaas oo milyan ii codeysay adiga waxaa ku soo xulatay koox Danley ah oo shacbi wakiil kama
  3. In dalku yeesho distuur dhameystiran oo afti loo qaado kadibna aynu noqonno Jamhuuriyada ka madax bannaan UN iyo ATMIS iyo cid kasta oo na fagelin karta, una tashanno berrigeena iyo Badaheenna haliilka hadda lagu yahay.
  4. Midda kale haddii uu dalka yeesho madaxweyne la soo doortay dadka Soomaliyeed si sahal ah ayey u badali karaan madaxweynahooda haddii ay ku qanci waayaan markii waqtigiisa dhammaado. Waxaasa akhristow ogaataa in dadka qeylinaya hadda waa kuwo quus ka qabo inaan weligood la dooran doonin, waxna ku raba  inay ku helaan qabiil iyo 4.5 keliya. Qofka is hubaa ma diidayo in labadaan laga gudbaa. Ogow ku dheganaanta awood qeybsiga iyo u qeylinteeda waa kooxdeyda ama qabiilkeyga   sedbursi ha helaan kuwaagaana 4.5 aan ku haayo.

Haddab maanta waxay joogtaa inaan la hadallo xildhibaanada nagu matala golaha shacbiga oo aan is hortubno ilaa ay ka ansixinayaan wax kabadamla distuurka nakala dilay si ay taariikhda iyagana ugu galaan oo loo yiraahdo waa asaasayaashii Jamhuuriyadda Cusub ee Somaliyeed.

MW Xasan waxan ka sugeynaa inuu bixiyo dadaalka ugu sarreeya si distuurka loo dhameystiro kadibna loo qabto doorasho qof iyo cod ah oo aan akhristow lagaa xigin inaad ku soo baxdo xilkasta oo aad u qalantid.