Dhallinyaradii ku biirtay Jabhada Gacan-libaax ayaa sheegtay inay isaga baxeen Jabhadii kuna biireen Ciidanka Somaliland. Dhalintaan oo ka soo meeday beesha Garxajis ayaa gabi ahaanba lagu qanciyay inay ka baxaan gadoodka ay ku jireen oo ay hada kaalin ka qaataaan dib u xurteetya dhulkii dhawaan SSC-Khaatumo qabsatay.
Dhanka kale Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa bogaadiyay dhallinyaradii jabhadii gacan libaax oo dufcadii u horreysay maanta ku biirtay Ciidanka Qaranka.
Guddoomiye Faysal wuxuu sudaas ku sheegay Fariin uu ku baahiyay Facebookgiisa, wuxuuna sheegay inuu bogaadinayo dhallinyaradaasi. Guddoomiyaha UCID wuxuu sheegay in balanka reer Somalilan yahay sidii xuduudaha dalka oo la gaadho deegaanka Yoocada ee ku yaallo xadka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya.