Dhalinyaro Soomaali Ah oo Xalay Lagu Dilay Magalada London

Reading Time: < 1 minute

L.aba wiil oo Soomaali ah aya xalay lagu dilay magaalada London ee dalka Ingiriiska, halka mid kalena lagu dhaawacay.

Labada wiil ayaa waxaa lagu dilay laba xaafad oo ka mid ah xaafadaha ku yaalla London, iyada oo dilkooda loo adeegsaday Mindi.

Dhalinyaradan Soomaalida ah ayaa Da’ahaan waxaa lagu qiyaasay in ay u dhaxeeyaan 18-sano ilaa 20-sano.

Booliska magaalada London ayaa gaaray goobta ay dilalka ka dhaceen, waxayna la wareegeen Meydadka Soomaalidii la dilay, baaritaano horudhac ah oo ay sameeyeen Booliska ayaa waxa ay ku sheegeen dilalkan in ay geysteen koox burcad ah.

Labada wiil ee la dilay mid ka mid ah ayaa walaalkiisa Afar bilood lagu dilay magaalada London, falkan waxaa si aad ah u cambaareeyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Ingiriiska iyo ururada u dooda xuquuqda arrimaha bulshada, waxayna dalbadeen in cadaaladda la horkeeno ragii dilka geystay.