Dhalinyaro Maqar ku kala Jaray Hogaamiye Al-shabaab ka Tirsanaa ka dib Markii uu Ciyaar ka Banaday/Qadanay!!

Reading Time: < 1 minute

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dhalinyaro qaab yaab leh u dishay amiirkii Al shabaab Deegaanka Gaalwore oo ka Carqaladeeyay turub ay ku ciyaarayeen Deegaanka sagaalaad ee Duleedka afgooye.

Maamulka Gobalka Shabeelaha hoose ayaa Simba u xaqiijiyay dhimashada Gudoomiyahii Al shabaab u xilsaarnaa deegaanka Gaalwore oo lagu magacaabi jiray Amiir Maxamed Nageey.

Maxamed Barre oo ah Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay Koox dhalinyaro aheyd oo ciyaareysay Turub inuu soo dhax istaagay sarkaal katirsan Al shabaab, kuna amray iney joojiyaan ciyaarista Qamaarka ama tartanka lacag dhigashada Turupka.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in wiil kamid ah dhalinyarada uu Faas ama Maqar gacanta kaga dhuftay sarkaalkaasi Al shabaab ugu magacaabnaa deegaanka Gaalwore ee Sh/Hoose, kadibna Bastoolad uu watay amiirka lagu dilay.

Majirto cid si rasmi ah u xaqiijin karta ninkan sabab saday amar uu dul dhigay dhalinyaro ku ciyaareysay Qamaar ama lacag dhigasho ciyaarta Turup inuu Al shabaab ugu magacaabnaa deegaanka Gaalwore.

Dhanka kale wax war ah kama soo bixin Al shabaab oo ku aadan dilka Maxamed Nageey oo markii danbe meydkiisa goobta ay ka qaadeen dad ehel ahaan u xiga ninkan qaabka yaabka leh loo dilay maanta.