Dhalinyaro lagu sheegay burcad dadka dhacda oo lagu qabtay Jowhar

Reading Time: < 1 minute

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaarayo magaalada Jowhar, Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed gaar ahaan guutada 3-aad qeybta 27-aad ayaa maanta iyo xalay howlgalo ballaaran ka sameeyay deegaano hoostega Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle.

Sida ay sheegeen mas’uuliyiinta degmada, Ciidamada ayaa howlgalka inta uu socday ku soo qabtay rag burcad ah oo dadka dhac ugu geysan jiray waddooyinka, waxaana howlgalka sigaar ah looga fuliyay deegaanada kala ah Cali waraabey, gumtree, Morajido iyo gololey, kuwaas oo hoostega Jowhar.

Dhanka kale Taliye Ku-Xigeenka guutada 3-aad qeybta 27-aad iyo Taliyaha howlgelinta Ciidanka guutada 3-aad ayaa horkacayay howlgalka ay sameeyeen Ciidamada, iyagoona sheegay in lagu soo qabtay rag hubeysan oo burcad ah. Saraakiisha ayaa tilmaamay in ujeedka howlgalka la fuliyay uu ahaa mid lagu doonayay in lagu xaqiijiyo amniga deegaanada hoostega Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle oo xaliyada qaarkood dadka dhibaatoyin loogu geysto.