Dhalinyaro badan oo Ciidamo ka amar-qaata Saadaq joon ay caawa kala baxeen Guryahooda (Aqriso)

Reading Time: < 1 minute

Sida MOL loo xaqiijiyay ciidamo xoogan oo ka amar-qaata taliyaha Ciidamada Booliska gobolka Banaadir Saadaq joon  ayaa ku dhawaad 20-dhalinyaro ah siyaabo kala duwan uga kaxeeystay Xaafadaha degmooyinka gobolka Banaadir qaarkood.

Ciidamo gaar ayaa tegay guryaha dhalinyaradaan,waxaana ay xoog kusoo wateen dhalinyarada iyagoo aan wax faahfaahin ah siinin ehelkooda.

Mid ka mid ah Aabayaasha dhalay dhalinyarada caawa Saadaq joon afduubtay oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in tani ay qeeyb ka tahay tacadiga,waxaa uu sheegay wiilkiisa in uu dhawaan ka yimid qurbaha.

”waxaan soo xasuustya 1988-dii oo dhalinyarada in lasoo baxsho si bareer ah oo dili jiray,marka waxeey ila tahay taliskii waagaas mid kasoo farcamay uu joogo ee allaha badbaadiyo wiilkeeyga”

Sababta loo kaxeeysan karo ayuu ku sheegay in uu ka mid ahaa dhalinyarada sida aadka ah u diidan siyaasada kheeyre iyo farmaajo ee baraha bulshada wax ku qoro