Dhalinyaradii Baraha Bulshada u Qaabilsaneed Kheeyre  oo Xilal kala Duwan looga Magacaabaayo Gobolka Banaadir!!

Reading Time: < 1 minute

Dhalinyaro badan ayuu qaab xirfadeeysan u qortay R/wasaare Xassan Cali Kheeyre Goortii Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo u Magacaabay Xilka R/wasaarenimo si ay u faafiyaan Wararkiisa iyo Ineey beentiisa qaadan ka iib geeyaan Bulshada.

Waxaa la Rumeeysan yahay in ay dhalinyaradaasi xooga saareen sidii ay bulshada ugu sheegi lahaayeen beenta kheeyre taasna ay hadda sababeeyso in  ay xilal kala duwan ka helaan Maamulka Gobolka Banaadir.

Gudoomiye Ku Xigeenadda Maamulka Gobolka Banaadir ayaa hada lagu bilaabay in Xilalka laga xayuubiyo iyadoo lagu bedelaayo shaqsiyaadkaan aan kor kusoo xusay tan oo la micno ah meel uu madaxa u geli.

Degmooyin dhowr ah ayaa Maanta Gudoomiye ku xigeeno loo Magacaabay shaqsiyaadka loo magacaabay xilalka ayaana ah Ragii caanku ahaa baahinta Amaanta Nabad iyo Nolol.

Kooxdaan dhalinyaradda ah ayaa waxaa ay ahaayeen Farac ka mid ah Kooxda Qaaqlayaasha oo u adeegta Danta Kooxda kale Ee Qiyaano qaran islamarkaana baroosinadu u suran yihiin villa Soomaaliya