Dhakhtarad u dhalatay Ethiopia xalay iska soo tuurtey dabaqa ugu sareeya hotel

Reading Time: < 1 minute

Dr. Nadia Omar oo ah dhakhtar ku takhakhusay xanuunada Haweenka una dhalatay dalka Ethiopia ayaa dhaawac halis ah ku soo gaarey magaalada Garowe kadib markii ay xalay iska soo tuurtey dabaqa ugu sareeya CITY VIEW Hotel oo ku yaal magaalo madaxda Puntland.

Dhakhtaradan dhalinyarada ah oo kasoo jeeda gobolka Amxaarada ee dalka Ethiopia waa dhakhtarad Muslim ah waxayna u dhaxday dhakhtar asal ahaan kasoo Jeeda Suuriya balse haysta dhalashada Turkiga oo la yiraahdo Maxamed Cabdixamiid kaasoo ku takhakhusay xanuunada gaaska & uurkujirta oo isna ka howlgala Puntland

Dr. Nadia ayaa bilowgii sanadkan ka tagtay shaqadii ay ka haysey Garowe gaar ahaan Qaran Hospital oo ay ka ahayd dhakhtar xanuunada Haweenka ah sida ay warisay warbaahinta deegaanka.

Intii ay ka hawlgelaysey Qaran Garoowe waxay fulisey hawlgalo caafimaad oo ay kujireen qaliimo adag kuwaasoo dhamaan ay ku guulaysatey sida warbaahinta u sheegeen maamulka Qaran Hospital.

Howl wadeeno ka tirsam Isbitaalka Qaran ee magaaladda Garowe ayaa u sheegay warbaahinta in Gabadhaan aysan in muddo ah shaqeyn sababo la xiriira dhibaca caafimaadkeeda balse magaalada Garowe u joogtey ninkaan Suuriyaanka ah ay u dhaxdey.

Laamaha amaanka ayaa wada baaritaano ku aadan sababta keentay shilka soogaarey Dhakhtaradan.

Dhaqaatiirta magaaladda Garowe ayaa sheegay in dhacdadaan aad ula yaabeen balse ay ka war dhowrayaan baaritaanada laanta dambi barista ee Puntland si loo ogaado sababta ka dambaysa in dhaqtarkaan Ajnabiga ah uu iska soo tuuri dabaqa.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!