Dhageeyso:-Xildhibaan Cadeeyay Fara-gelin Galmudug Ee Farmaajo Iyo Kheeyre

Reading Time: < 1 minute

Xildhibaan Duraan Cali jaamac oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Maamul goboleedka Galmudug ayaa ka hadlay warka ka soo baxay Madaxweyneha Dowlada Faderaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi farmaajo kaasi oo ahaa inay Madaxda Galmudug ay si deg deg ah ku yimaadan Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Duraan Cali Jaamac ayaa sheegay in qilaafka ka dhex taagan madaxda Galmudug aan lagu xalin kari wada hadal, waxuuna xusay in xalka  kaliya ee lagu xalin karo  qilaafkan udhaxeeya Madaxda Sar sare Galmudug uu yahay in laga kula baxo sharciga.

Xildhibaan Duraan ayaa tilmaamay in horay shirar lagu xalunayo qilaafka Galmudug lagu qabtay Magaalada Muqdisho wax natiijo ahna aysan ka soo bixin.

Sidookale waxuu intaasi ku sii daray Xildhibaanka in hawlihii shaqo ee looga baahna Maamulka Galmudug aan mudo sanad iyo bar ah waxba laga qaban.

Dhanka kale Xildhibaan Duraan Cali Jaamac ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya looga baahan yahay inay kaalinteeda ka qaadato sidii loo xalin lahaa qilaafka Galmudug, isagoona ugu baaqay inay qeyb ka qaatan Xildhibaanada ka soo jeeda Galmudug dadaala lagu xalinayo qilaafka udhaxeeyo Madaxda Maamulkaasi.

Halkaan Ka dhageyso.