Siyaasi Ibraahim Saalax Deefullah ayaa ka hadlay Qaxootiga ka soo barakacay dalka Yeman ee ku sugan gudaha Magaalada Muqdisho, isagoona fariin udiray Dowlada Fedraalka ee Soomaaliya.
Ibraahim Saalax oo ka mid ahaa Xildhibanadii Baarlamaanka xiligiii dowladii Xasan Shiikh Maxameed ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya laga doonayo inay caawiso Qaxootiga Yemaniyiinta ah ee ku sugan Magaalada Muqdisho.
Siyaasiga ayaa xusay in dadka ka soo barakacay Yeman ee loo yaqaano carabSoomaalida ay dhibaato xoogan ku heysato gudaha magaalada Muqdisho, waxuu intaasi ku daray in lagu arkayo Maasjida iyo Suuqayada Muqdisho dadkaaasi oo dawarsanaya.
Sidookale Ibraahim Saalax ayaa sheegay in dowladii uu hugaaminayay Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud dadkaasi ay ufidisay gurmad xiligii u dagaalka xoogan ka socday dalka Yeman, iyadoona dadkaasi Maraakiib lagu soo daad gureeyay ay ka soo dajiyeen Magaalada Muqdisho.
Ugu danbeentii Siyaasi Ibraahim Saalax ayaa ugu baaqay Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Xukumada Ra’isul wasaare Khayre inay gurmad deg deg ah ufidiyaan dadkan ee ushegay inay ku dayacanyihiin Muqdisho.
Halkaan Ka Dhageyso