Dhageyso:Ilaalada Mw Farmaajo oo dad shacab ah ku dhaawacay Garoonka Koonis

Reading Time: < 1 minute

War deg deg ah oo inaga soo gaaray Garoonka Kubada Cagta ee Koonis ayaa sheegaya in ilaalada Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ay rasaas ku fureen dad shacab ah oo doonayay inay gudaha ugalaan Garoonka oo ay ka socoto Ciyaarta finaallaha degmooyinka Gobolka Banaadir.

Ila wareedyo ku sugan Garoonka ayaa inoo sheegay in albaabka  hore ee Garoonka Koonis ay tuban yihiin Boqolaal shacab ah oo isaga kala yimid degmooyinka Gobolka Bnaadir, waxaana la sheegay in dadkaasi loo diiday inay gudaha ugalaan Garoonka koonis.

Ilaa inta la xaqiijiyay Afar qof ayaa ku dhaawaacantay isbuurasho iyo rasaas ka dhacaday afaafka hore ee Garoonka, waxaana la soo sheegaya in ilaalada gaarka ah ee Madaxweyne Farmaajo rasaasta ku fureen dad shacab ah oo doonayay inay gudaha ugalaan Garoonka koonis oo ay ka socoto ciyaar fiinaalah oo udhaxeysa degmooyinka Shibis iyo Waaberi.

Boqolaal ruux oo kakala yimid degmooyina Gobolka Banaadir iyo labada Shabeelle ayaa loo diiday inay gudaha ugalaan garoonka, waxaana ay dib ugu laabteen goobihii ay ka soo kici timeen.

Halkaa ka Dhageyso