Dhageyso:Ehlada Axmed dowlo oo dalbaday in cadaalada lasoo taago dadkii dilkiisa ka danbeeyay&Banaanbax looga soo horjeedo dilkaas oo Muqdisho ka dhacay+Sawiro

Reading Time: 2 minutes

Axmed Muqtaar Axmed Dowlo oo 20 kii bishaan ay si arxan dara ah udileen Wiil uu adeer u ahaa cid uu gabar ka  qabay ayaa maantay lagu aasay Khabuuraha Barakaad ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Boqalaal ruux ayaa meydka Marxuum Axmed lug kaga qaaday xaafada Towfiiq  ee degmayada Yaaqshiid waxyna ku geeyen khabuuraha Barakaad uu yalaa duleedka Magaalada Muqdisho.

Dadka meydka la  lugeenaayay ayaa ku qeelinayay erayo ay ku muujinayaan sida ay kaga xunyahiin dilka loo geestay Marxuum Axmed dowlo oo maalintii khamiista ay dil ugeesteen Wiil uu adeer u ahaa cid uu gabar ka qabay ehladooda.

Sidookale ehlada Marxuumka ayaa dalbaday in cadaalada la hor keeno shaqsiyaadkii ka danbeeyay dilka Axmed Dowlada, waxayna madaxda ugu sareysa dalka ka dalbadeen in si deg deg ah ay arinkaan kaga jawaaban.