Dhageyso:Cabduulahi Sufurow”Waa been abuur inaan diday Xilka qaadista la igu sameeyay”

Reading Time: < 1 minute

Guddoomiyahii hore ee Gobolka hiiraan Cabdullahin Axmed  Maalin  ayaa ka hadlay warar la isla dhexmarayay oo sheegayay in uu diiday xilka qaadis dhawaan  lagu sameeyay.

Cabdullahin Axmed  Maalin oo maalin ka hor uu xilka qaadis ku sameeyay Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay inasyan jirin wararka sheegaya inu diday inuu xilka ku wareejiyo Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Xagar (Dabageed), waxuunna xusay in laga been abuurtay.

“Warbaahinta wararka ay sheegeyso waa kuwa waxba kama jiraan, ah aniga xilka si horay waa la iigu dhiibtay hadana waa la iga qaaday sabab aan ku diido majirto”Ayuu yiri Cabdullahin Axmed  Maalin.

Sidookale Cabdullahin Axmed  ayaa sheegay inuu soo dhaweenayo xilka qaaadista lagu lagu sameeyay, waxuuna intaasi ku sii daray inuu la shaqeenayo maamulka cusub ee Gobolka Hiiraan.

Hadalkan ka soo baxay Guddoomiyihii hore ee G/Hiiran Cabdullahin Axmed  Maalin ayaa imaanaya xili warbaahinta qaar ay shaaciyeen inuu ka hor imaaday xilka qaaditsa uu ku sameeyay Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.

 

Halkaan ka Dhageyso