DHAGEYSO: Shabaab Oo wali ku sugan Xaafado ka mid ah Balcad

Reading Time: < 1 minute

Taliyaha ciidamada booliska Hirshabeelle Kornel Xasan Dhicisow ayaa waxaa uu sheegay in wali dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay ku sugan yihiin qeybo ka mid ah degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in wali Al-Shabaab aysan si toos ah uga bixin degmada Balcad, laakiin wali ay ku harsan yihiin Xaafado ka mid ah degmada.

Waxaa uu sheegay in ciidamada Ammaanka Hirshabeelle ay dadaal muujiyeen, islamarkaana ay badbaadiyeen qeybo ka mid ah hubkii ciidamada AMISOM ee la wareeraray.

Dhicisow ayaa sidoo kale xusay in ciidamada Ammaanka Soomaaliya ay muujiyeen dadaal badan oo ah in Al-Shabaab aysan qaadan dhaawacyadda Askartii ciidamada AMISOM.

Jimcihii ayay ahey Markii dagaalyahano badan oo ka tirsan Al-Shabaab ay gudaha u galeen qeybo ka mid ah degmada Balcad ka dib markii ay kusoo qaadeen Weerar culus oo lagu dilay Askar ka tirsan ciidamada AMISOM.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!