(Dhageyso) Saraakiishii SNM “Farmaajo ma iman karo Hargeysa”

Reading Time: < 1 minute
Tirinta maalmaha uga harsan xafiiska Madaxweynaha Maxamed Farmaajo.
[sales_countdown_timer id=”salescountdowntimer”]

Qaar ka mid ah Saraakiishii ururkii SNM iyo siyaasiyiinta Somaliland ayaa maanta ka hadlay safar la sheegay inay suurt-gal tahay inuu Hargeysa ku tago Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Guddoomiyaha Golaha Guurtida ee Somaliland, Suleymaan Maxamuud Aadan ayaa shalay sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu doonayo inuu booqasho ku yimaado magaalada Hargaysa isaga oo ay wada socdaan Farmaajo.

Xubnaha maanta shirka jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay inaysan aqbali karin in madaxweyne Farmaajo uu yimaado magaalada Hargeysa, ayada oo aan la xalin dhibaatooyinkii dhacay ee loo gaysta dadka Somaliland.

 

 

 

 

 

 

Xigasho VOA