Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa waxa uu ka hadlay waxyaabaha Khaldan ee ku jira sida loo wajahayo isku keenida Xiriirka Waddamada Deriska la ah Soomaaliya.
Si gaar ah waxa uu isku dul taagay Colaadii Soo jireenka aheyd ee ka dhex jirtay Soomaaliya iyo Itoobiya islamarkaana weli aan si cad loo dhameyn.
Aqoon Yahan cabdi Ismaaciil Samatar oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay inay jiraan waxyaabo kale oo la iska indho tirayo ku aadan Maqnaashiyaha Jabuuti oo shalay aan Xubin ka socota aysan xaadirin Kulankii Muqdisho Wasiirada Arimaha Dibada Itoobiya,Erteria iyo Soomaaliya ku yeesheen taasna ay shaki kale abuureyso.
Prof. Samatar waxa uu sheegay in Xamar ay dhoodhoobeyso Madaxda fadhisa sida uu yiri inay xagal daacin sameysay sidaana laga wanaagsanaa sida uu warka udhigay.
Hoos Ka Dhageyso Codka Prof Samatar