(Dhageyso) Guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya oo ka hadlay go’aankii qaldanaa ee Mahad Cawad, Muudeey & RW Kheyre

Reading Time: < 1 minute

Gudoomiyaha Barlamanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa markii ugu horeysey ka hadley kala diristii guddiga maaliyada baarlamanka ee uu sameeyey gudoomiye ku xigeenkiisa koowaad Cabdiwali Muudeey.

Gudoomiye Mursal oo hadda ku sugan dalka Turkiga, ayaa sheegey inuu beri tegi doono Muqdisho, dibna ay u eegi doonaan go’aanka kala dirista gudiga maaliyada, si loo xaqiijiyo inuu waafaqsan yahay xeer hoosaadka barlamanka.

Sida ay warar lagu kalsoon yahay u sheegeen MOL, guddoomiyaha ayaanan raalli ka ahayn in la qaato go’aan sharci darro ah, oo weliba isagoo aan la ogeysiin uu gaaray G/X koowaad Cabdiwali Muudeey oo ay gadaal ka riixayaan RW Kheyre iyo Mahad Cawad

Halka hoose ka dhegeyso wareeysiga uu siiyay idaacadda VOA

[su_audio url=”https://av.voanews.com/clips/VSO/2018/11/30/fffb037f-7767-49f8-8e79-29553cc408cb_48k.mp3″]